Xisbiga UCID oo Eryay Guddoomiye Kuxigeenkoodii

0
686

Hargeysa (Dawan):- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa eryay guddoomiye ku xigeenkoodii koobaad Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, sida lagu xaqiijiyay war qoraal ah oo ka soo baxay xarunta dhexe ee xisbigaas oo uu ku saxeexanyahay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka la eryay ayaa sheegay in aan la eryin balse uu isagu iska casilay xisbiga UCID iyo xilkii uu ka hayayba, taas oo uu ku sababeeyay in ay ku kala aragti duwanaadeen guddoomiye Faysal siyaasadda xisbigu ku socdo.

War saxaafadeedka lagu shaaciyay xil ka qaadista iyo ka saarista xisbigaba, ayaa lagu yidhi. “Maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay 13/01/19-ka. Shir ay iskugu yimaadeen guddida fulinta ee xisbiga UCID xarunta dhexe ee xisbiga, waxaa ay xilkii iyo xubinnimadii xisbigaba kaga qaadeen guddoomiye ku xigeenkii ku meel gaadhka ahaa ee xisbiga UCID.

Ka dib markii ay dhegaysteen soo jeedinta guddida anshaxa ee xisbiga UCID, isla markaana ay ku qanceen soo jeedintaas, waxay gudida fulinta ee xisbigu cod aqlabiyad ah ku go’aamiyeen in guddoomiye ku xigeenkii koobaad ee ku meel gaadhka ahaa ee xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni laga qaado xilkii iyo xubinnimadii xibigaba.”

Waxaana ku saxeexnaa war saxaafadeedkaas guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale Cabdinaasir Buuni oo ka hadlay xil kaqaadista iyo xisbi ka saarista lagu sameeyay, ayaa sheegay in aan xilna laga qaadin xisbigana laga saarin balse uu laba maalmood ka hor is casilaad u gudbiyay guddoomiyaha xisbiga, taas oo uu ku sababeeyay in ay ku kala aragti duwanaadeen isaga iyo guddoomiye Faysal jihada xisbigu u socdo.

“Anigaa iska casilay xilkii iyo xubinnimadii xisbigaba, markaad aragto xisbigaagii oo jiho kale u socdana kuma sii jiri karaysid, xisbi mucaarid ah ayaanu ahayn waxay ahayd in aanu dalka dhismihiisa ka shaqayno oo wixii qaldan toosino, xisbiguna in la dhiso ayuu u baahan yahay,” ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga UCID Buuni oo ka dareen celiyay xil ka qaadista hoggaanka xisbigu ku sameeyay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply