Dawladda Hoose Ee Magaaladda Berbera Oo Magaaladasi Ka Wada Dhir Beeris Balaadhan.

0
727

Dawladda hoose ee magaaladda Berbera ayaa olole dhir beeris ah ka samaysay qaybo kamid ah magaaladda Berbera, gaar ahaana hareeraha iyo afaafka hore ee dugsiga Cumar Binu Khadaab oo kamid ah dugsiyada Hoose/Dhexe ee magaaladaasi.

Xoghahaya Dawlada Hoose ee magaalada Berbera Cabdikariim Aadan Siciid ayaana hormuud ka ahaa ololahaasi ay dawlada hoose ka fulisay dugsigaasi iyo hareerihiisa , waxaana kala qaybgelaayey ololahan dhir beerista ah qaybo kamid ah shacabka magaaladda Berbera iyo ardayda dugsigaasi.

Xoghayaha dawlada Hoose ee Berbera ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan dedaalada dhowaanahan ka socday magaaladda Berbera ee lagu dhiraynaayey wadooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee magaaladda Berbera , waxaanu sheegay Xoghayuhu  in ay  sii ambaqaadayaan hawlihii dhiraynta ee ka socday magaalada , ayna fulinayaan  balanqaadkoodii ahaa in ay 3000 oo geed beeraan sannadkan 2019-ka.

Waxa kale oo uu xoghayuhu sheegay in ay ilaa hadda beereen dhir gaadhaysa ilaa 750 geed , iyada oo lagu jiro bishii kowaad ee sannadka , waxaanu intaasi ku daray in ay afarta bilood ee ugu horeeya ay dhamaystiri doonaan beeritaanka 3000 kun ee geed ee u qorshaysan in ay sannadkan beeraan.

waxa uu Xoghaye Cabdikariim u mahad celiyey shacabka magaaladda Berbera oo uu sheegay in ay si weyn ula garab istaageen taageero balaadhan , sidoo kalena dibada magaaladda uga saaray xoolihii magaaladda ku dhaqnaa,waxaanu ugu baaqay shacabka magaalada inay iyaguna si weyn uga qayb qaataan dhir beerista ka socota magaaladda.