Wasaaradaha Caafimaadka Ee Dawladda Somaliland Iyo Dawlad Degaanka Somalida Ethiopia Oo Si Wada Jira U Fulinaaya Hawlgalo Caafimaad.

0
717

Hargeysa(Dawan)Wasaaraddaha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawlad Degaanka Somalida Ethiopia ayaa si wada jir ah u fulinaaya olole caafimaad oo dhinaca indhaha iyo maqaarka ah.

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Xasan Ismaaciil Yusuf  oo ka hadlay ololahan ay sida wada jirka ah u fulinayaan wasaaradaha Somaliland Iyo dawlad degaanka Somalida Ethiopia ayaa sheegay in uu yahay Ololahani shorshe socon doona oo hordhac u ah hawlgalo ay si wada jir ah u fulin doonaan wasaaraddaha Caafimaadka ee Somaliland iyo dawlad degaanka Somaliland.

Hawlgankan caafimaad ayuu wasiirku sheegay in uu bilaabmi doono 19-ka bisha, iyada oo lagu baadhi doono dad gaadhaaya ilaa 1000 oo qof  qaybo kamid ah la siin doono dawooyin halka kuwa kale ee u baahan qalinkana loo qali doono Indhaha,.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in ay sidoo kale baadhitaan ku samayn doonaan  xanuunadda Maqaarka oo ay baadhi doonaan dad gaadhaaya ilaa 1000 qof, kuwaas oo dawooyin la siin doono cidii u bahan .

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan  hawlo kale oo ay iska kaashan doonaan labada wasaaraddood ee caafimaad ee Somaliland iyo dawlad degaanka Somalida Ethiopia, kuwaas oo ay kamid yihiin iskaashiga xanuunada u kala gudba Xuduudaha .

Leave a Reply