Raggii Weerarkii Nairobi Geystay Oo Muqaalkii Ugu Horeeyey Laga Helay.

0
688

Nairobi(DAWAN)Waxa markii ugu horeysay muqaal laga helay kooxdii hubaysnayd ee weerarka ka fulaysa Hotel ku yaala magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kuwaas oo khasaare balaadhan soo gaadhsiiyey dadkii hudheelkaasi Dusit ku sugnaa.

Muqaalkan ayaa lagu soo bandhigay Baraha Bulshada ee lagu xidhiidho, iyada oo ay ka muuqdaan kooxdan weerarka qaaday oo ka dagaalamaaya Hotelka Dusit dhexdiisa, waxaanay raggani ka koobnaayeen afar nin, kuwaas oo ku hubaysnaa qoriga daran dooriga u dhaca ee AK47-ka loo yaqaano .

Weerarkan oo shalay lagu qaaday Hotelkan ayaa ilaa maanta socday, iyada oo ay weli ka dhacayaan Hotelka Dusit dhexdiisa rasaas la maqlaayo .

 

Hoos Ka Daawo Muqaalka Warkan.

Leave a Reply