Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Kulankii Ay La Qaateen Golaha Guurtida.

0
709

Hargeysa(DAWAN)Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ayaa ka hadlay kulan ay maanta la qaateen Golaha Guurtida Somaliland oo dhowaan guddi u saaray muddo kordhin loo sameeyo Golaha Wakiilada Somaliland.

Cabdi casiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in ay Guddidii Guurtidu u saartay ay wax ka weydiiyeen fikirka ay ka qabaan muddo kordhin loo sameeyo Golaha wakiilada Somaliland , isaga oo sheegay in ay u gudbiyeen taladoodii xisbi ahaan , una sheegeen in ay xisbi ahaan doonayaan in aanay doorashadu dhaafin sannadkan aynu ku jirno ee 2019-ka.

 

Hoos Ka Daawo Muqaalka Warkan.

Leave a Reply