“Daryeelka Dadku Waa Waajibka Dawladda, Waanuna Dadaalaynaa” Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland

0
656

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mundane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay furay barnaamijka nafaqadda hooyadda iyo dhalaanka oo ay qayb ka noqonayaan ururdda aan dawliga ahayn ee Somaliland.

Barnaamijkan oo hoos yimaadda xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa waxa sharraxaad ka bixiyay madaxa barnaamijkaasi u qaabilsan xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Dr. Sakariye waxaana kamid ahaa hadaladiisii “Barnaamijkani waxa uu noqon doonaa mid taxane ah oo aanu ku kulanno hay’addaha iyo wasaaradaha ay hawshani khusayso, waxa aannu xil-weyn iska saaraynaa nafaqadda hooyadda iyo dhalaanka iyo sidii aynu u soo celin lahayn cunto dhaqameed-keenii qiimaha lahayd, waxaan halkan uga mahad celinaynaa hay’adaha ku bahoobay barnaamijkani, Insha Allaah waxaanu qaban doonnaa kulan noocan oo kale ah oo ay ganacsatadda iyo waax-yaha waaweyn ee dalka qaybka noqdaan”

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Marwo Amaal, Dr. Adna Aadan Ismaaciil, Wasiirka Beeraha Somaliland, Wasiir ku xigeenadda wasaaradaha Waxbarashadda, Caafimaadka qorshaynta iyo sarkaal u hadlay hay’adda UNICEF waxaanay dhamaantood ballan qaadeen in ay doorkooda ka qaadan doonaan barnaamijkani.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sharraxay faa’idooyinka uu barnaamijkani u leeyahay qaranka, waxaanu xusay madaxweyne ku xigeenku in xukuumadu laban-laabi doonto taageeradeeda dhaqaale ee kor u qaadista cunto tayo leh oo dalka ka soo baxda waxaanu yidhi “Barnaamijkani waa barmaamij weyn oo waxtar leh, waa barnaamij ay ku bahoobeen dawladda iyo hay’addo badan oo caalami ahi, waxaan aaminsanahay in uu wax weyn ka badali doono cuntooyinkeenii aynu isticmaali jirnay daryeelka dadku waa waajibaadka dawladda annaguna waanu dadaalaynaa”ayuu yidhi Madaxweyneku-xigeenka Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply