“Ma Jirto Cid Kala Diri Karta Komishanka Doorashooyinka”

0
719
????????????????????????????????????

Hargaysa (Dawan)- Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay in aanay jirin sharci lagu kala diro Koomishanka Doorashooyinka qaranka.

Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa waxa uu intaasi ku daray in Koomishanka Doorashooyinka Qaranku yahay mid madax bannaan oo beesha caalamku ku ammaantay sidii ay u qabteen doorashadii Madaxtooyadda. Waxaana uu hoosta ka xarriiqay in aanay jirin cid kala diri karta Koomishanka Doorashooyinka.

Cabdicassis Maxamed Samaale ayaa sidan ka sheegay mar shalay wax laga waydiiyay kulan xisbiga Kulmiye la yeeshay Golaha Guurtida waxaana uu yidhi “Anagu waxa aanu qabnaa in Koomishanka Doorashooyinka yahay mid qaran oo lagu ammaanay Doorashadii Madaxtooyadda ee ay qabteen, waajibkoodii ayayna guteen, cid kala diri kartaana ma jirto oo sharci siiyay in ay kala dirto. Sabab lagu kala diraana ma taallo, waxaana aanu qabnaa in Koomishanka Doorashooyinka yahay mid madax bannaan sida loo soo xulo shuruucdeena ayay ku qoran tahay.”

Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu intaasi raaciyay “Beesha caalamka iyo adduun waynaha ayaa ku ammaanay Koomishanka Doorashooyinka sidii ay u qabteen Doorashadii Madaxtooyadda.

Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacay sannadkii 2003-kii, 80 cod ayaa lagaga helay Axmed Siilaanyo, Koomishankii xilligaa joogay ayaa qabtay qabtay doorashadii sannadkii 2005, sidoo kale doorashadii Golaha Wakiiladana iyaga ayaa qabtay, labadii xisbi ee mucaaradka ahaa ee Kulmiye iyo UCID ayaa helay aqlabiyadii xildhibaanadii Golaha Wakiilada, hadii doorashada madaxtooyadda inoo dhacday oo lagu kala calaf qaaday oo cidi ku soo baxday doorashada macnaheedu waxa weeye in ay qofna ka qosliso qofna ka nixiso”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply