Wasiir Ku Xigeenka Maaliyadda oo Kormeer Kedisa Ku Tegay Kastammada Galbeedka

0
807

Hargeysa:  (Dawan)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Mudane Cabdiqaadir Maxmuud Sh. Muxumed (Dhagaweyne) iyo shaqaale weynaha waaxda Internal Audit-ka ayaa u guureeyay soo koormeerridda qaybo ka mid ah kastammada galbeedka dalka, kuwaas oo kala ahaa kastamka Abaarso, kastamka Kalabaydh iyo kastamka Wajaale.

Waftigan uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka oo ka kooban 20 sarkaal oo ka tirsan waaxda Internal Audit-ka ayay ujeedadoodu ahayd u kuur-galidda xaaladda rasmiga ah ee dakhliga dalka, dar-dargalinta habsami u socodka shaqada kastammada iyo kor u qaadidda dakhliga.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Mudane Cabdiqaadir Maxmuud Sh. Muxumed (Dhagaweyne) ayaa sharraxaad ka bixiyay kormeerkiisan hawleed waxaanu yidhi “Maadaama oo dhawaan la ansixiyay miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka ayaa waxay wasaaraddu  muhiimadda koobaad saaraysaa kor u qaadidda dakhliga si ay wasaaradaha ugu diyaariso kharashkii ay ku fulin lahaayeen mashaariicaha horumarineed ee sannadkan loogu tala galay in ay ka qayb qaataan kor u qaadidda xaaladda nololeed ee shacabka.”

Waa markii u horreysay ee wafti ballaadhan oo ka koobaan Wasiir ku xigeen iyo Waaxda Internal Audit-ku ay u baxaan koormeer shaqo oo ku saabsan dardar-galinta dakhliga tan iyo intiii la ansixiyay miisaaniyadda qaranka.

Dawannews Hargeysa office

 

 

Leave a Reply