Nuxurka Kulan Dhexmaray Golaha Guurtidda iyo Xisbiyada Qaranka

0
691

Hargeysa (Dawan) Saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI ayaa kulan gooni gooniya la qaatay guddida golaha guurtidu u saaray ka soo talo bixinta iyo naaqishaadda muddo kordhinta loo samaynayo Golaha Wakiillada.

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxa kulankaasi uga qayb galay guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, hoggaamiyaha xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Cali Xasan iyo murrashaxii madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani Maxamed Cali Aw Cabdi iyo xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid.

Dhinaca Xisbiga UCID ayaa sidoo kale waxa kulankaasi uga qayb galay guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Cabdirashiid Xasan Basbaas iyo Xoghayaha guud ee xisbigaasi Axmed Xirsi Ducaale iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan xisbigaasi UCID.

Halka xisbiga taladda dalka haya ee KULMIYENA ay kulankaasi u soo wakiisheen, guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE mudane Axmed Cabdidheere iyo siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Kulankan oo saacaddo badan qaatay ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta la hadlay xubnihii ka socday labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE, waxaaney sheegeen in ay golaha guurtidda kala hadleen in aanay doorashadu dib uga dhicin sanadkan aynu ku jirno ee 2019-ka

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga taladda dalka haya ee KULMIYE, ayaa warbaahinta uga waramay kulankii ay la qaateen guddida golaha guurtidu u saaray ka soo talo bixinta muddo kordhinta golaha wakiiladda, waxaanu yidhi “Maanta waxaa noo yeedhay golaha guurtidda Somaliland oo wax naga weydiinayay in aanu wax ka qabno in doorashadda golaha wakiiladda xilliga ay ku habboon tahay la qabto.

Doorashadu wey soo jiitantay, dib ayaaney u dhacdaym, markaa xisbiga taladda dalka haya ee KULMIYE hadii aanu nahay waxa uu go’aankayagu yahay in aanay doorashdu dhaafin 2019 oo la qabto, taladaasi ayaanu u sheegnay golaha guurtidda oo aanu nidhi ‘ka xisbi ahaan go’aankayagu waxaa uu yahay in doorashada la qabto sannadkan aynu ku jirno ee 2019-ka dabayaaqadiisa oo aanay inala dhaafin, taasi oo dalkeena u dana.”

Sidoo kale, Cabdicasiis Maxamed Samaale mar ay warbaahintu wax ka weydiisay waxa laga yeelayo golayaasha deegaanka waxa uu yidhi “Golaha deegaanku isaga laf ahaantiisu wuu muddo dhaafay, hase ahaatee marka la eego hawsha golaha guurtida, sharcigeena iyo sida ay ugu qoran tahay distoorkeena ama xeerarkeena, wuu ka duwan yahay golaha deegaanku.

Waxaannu qabna isaga laf ahaantiisa in si degdega loo qabto, sababta oo ah golahaasi isaguna waa mid dhaafay wakhtigii loogu talo galay, doorashooyinkuna inay qabsoomaan dan ayay dalka iyo dadkaba u tahay kuraasta haddii lagu fadhiyo oo laga kici waayo ceebtooda ayaa badaneysa, markaa waa in isbadel yimaado oo ay doorasho timaado.”

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Maxamed oo isna madashaasi ka hadlay ayaa yidhi “Anagu UCID ahaan waxaa aanu diyaar u nahay doorashooyinkaasi in ay inoo dhacaan, sidaas ayaanu mowqifkayaga ugu sheegnay golaha guurtidda Somaliland.

Waxa kale oo aannu u sheegnay wixii talo bixin ahaa, taasi oo aheyd cawaaqib xumadda ay keeni karto kuwaasi oo ah maseyrka Somaliland iyo dimuquraadiyadii aynu adduunka ka iibineynay ee aheyd in ay meesha ka baxayaan, ma jiro xisbi leh doorashadu yaanay dhicin saddexda xisbiba doorasho, doorashaduna inay dhacdo diyaar ayaa loo yahay, waana lagu mideysan yahay way jiraan caqabado yar yar oo u baahan in la xalilo, caqabadahaasina ama guurti ahaan ha noqoto ama xisbiyadda ha noqoto ee waa la is qancinayaa, waana la wada hadlayaa.”

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaan dhankooda la hadal warbaahinta, balse masuuliyiintii ka socday xisbigaasi WADDANI ayaa tilmaamay in ay warbaahinta la wadaagi doonaan war murtiyeed.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply