Togdheer: Arday ka Baxay Fasalka Shanaad oo Aan Sii Wadan karin Waxbarashada

0
706

Burco (Dawan) Faarax Jaamac Cali waa arday 20 snano jir ah oo sanadkii hore ee 2018 dhammeeyay fasalka shanaad ee dugsiga hoose, hase ahaa imika ma hayo fasal uu waxbarashadiisa ku sii wato.

Faarax wuxuu ku nool yahay tuulada Ceel La-helay, oo 92 km dhanka bari kaga beegan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, tuuladani waxa ay dhibaato ka haysataa adeegyadda aasaasiga ah ee ay ugu mihiimsan yihiin waxbarashada iyo caafimaadku.

Faarax Jaamac Cali waxa uu ka warramaya sidii uu wax ku bartay muddadii shanta sanno aheyd ee uu waxbaranayay waxaanu yidhi “Dhagax ayaan ku fadhiisan jiray, waanse ku qanacsanaa inaan wax ku barto, laakiin dhibka hadda jira waa meel aan u sii dhaafo ayaanan ba haysan oo fasal ma jiro”

Sidaasi oo ay tahay wiilkan iyo ardayda kale ee ay isku fasalka ahaayeenba iyaga oo geedkaasi hoostiisa wax ku baranayay mudada intaas le’eg waxaa uu geedka hoostiisi isu badelay fasal ay soo galeen ardaydii kale ee soo baxday iyagana ma jirto meel kale oo ay uga gudbaan si ay u gaalan fasalka kan xiga ee lixaad.

Geedkan oo ah ka kaliya ee ku yaalla tuuladan waxaa hoostiisa wax loogu dhigaa arday tiradoodu dhan tahay 80-arday, waxaana wax lagu baraa labada gelin ee maalintii, waxayna fasalkii oo ka kooban 20 arday wax bartaa hal saac iyo 45 daqiiqo, ardaydan ayaa isugu jira 30 gabdhood iyo 50 wiil.

Cali Carab Yuusuf oo ka mid ah macallimiinta wax bara ardaydaan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in aanu jirin wax dhisme ah oo ardayda wax lagu bari karo oo ku yaalla tuulada, sidaas darteedna ay sanadkii 2012-kii hindiseen in geedka hoostiisa ay wax ugu dhigaan ardayda.

Cali Carab Yuusuf kana mida barayaasha ardaydan geedka hoostiisa wax ku barata ayaa sheegay in geedka kaliya ee tuuladani ku yaala uu yahay midka ay ubadkani wax ku baraan waxaanu yidhi “Degaankani waa dhul qallalan, geedo badan ma laha, geedkan oo galool ah ayaana ah midka keliya ee hadda ku yaalla meesha, shan fasal ayaan ku dhignaa oo ardayda ay isu beddelaan gelinka hore iyo kan danbe, halka fasalkii lixaad ardaydii u gudubtay aan wakhti loo hayn,”

Dadka deegaankani ku nooli tiro ahaan waxa ay dhan yihiin 500 oo qoys, badina ubadka qoysaskani waa kuwo danyara oo dadkoodu ay ku xoola beeleen abaarihii kala danbeeyay ee dalka ka dhacay,

Hooyo Xaliimo Faarax Xasan waxay ka mid tahay waalidiinta ku nool tuuladan 8-ka mida 12 carruura oo ay dhashay ayaa wax ka barta geedkan hoostiisa.

“Carruurtu si wanaagsan ayay wax noogu bartaan, wax lacag ahna nalagama qaado, carruurteyda kan ugu sarreeya wuxuu dhigtaa fasalka shanaad, kan u hooseeyana fasalka koowaad,” ayay tidhi hooyo Xaliimo.

Waalidiinta iyaga ayaa carruurtooda u iibiya agabka waxbarashada sida buugaagta iyo qalimada, mana laha dhar gaar ah oo ay carruurtu wax ku bartaan.

Saddex macallin ayaa wax bara ardayda, waxaana ay wasaaradda waxbarashada ee Somaliland mushahar siisaa hal macallin oo keliya, labada kalena waxay ku shaqeeyaan si mutadawacnimo ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply