Somaliland Oo Tartan Caalamiya Kaga Qayb Gelaysa Dalka Jabouti.

0
631

Hargeysa(Dawan)Wasiirka wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed ayaa galabta soo gebo gebeeyey orodka Maratoonka ee 1500 ee mitir iyo 800-da ee Mitir oo ay kasoo qayb galeen orodyahan badan oo ka kala socday goboladda  Somaliland ah.

Guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha Fudud ee wasaaradda ciyaaraha Somaliland Mustafe Cabdiraxmaan Xadi oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in labadan ciyaartoy ee kaalmaha kowaad iyo labaad kala galay ay ka qayb geli doonaan tartan caalami ah oo ka dhici doona dalka Jabouti, lana qaban doono 15 bisha March ee sannadkan.

Dhinaciisa Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland  Cabdikariim Xuseen Siciid oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo u diray dhalinyaradda kusoo baxday tartankan , isaga oo ku bogaadiyey dhalinyaradda kale ee reer Somaliland in ay ka qayb qaataan tartanada noocan oo kale ah , isaga oo ciyaartoyda Somaliland uga qayb geli doona tartanka caalamiga ah ee orodada Jabouti ka dhici doonana u rajeeyey guul .

Ugu dambayna wasiirka wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Boos Mirre Maxamed oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay tabobar dheeri ah siin doonaan ciyaartoydan, ayna tartanka Jabouti ka qayb geli doonaan iyaga oo metelaaya Qarankan Somaliland, muujinaayana Calaamadda Somaliland.

Tartankan waxa ku guulaysay ciyaartoyda kala ah Xamse Bedde Macalin oo ka socday gobolka Awdal , isaga oo ku guulaystay orodka Maratoonka ee 1500 ee Mitir ah , halka uu  Khaalid Xuseen Yuusuf oo isna ka socday gobolka Awdal uu  ku guulaystay 800 ee mitir , waxa isna orodadaasi  800 ee Mitir kaalinta labaad galay Khaalid Cabdi Xuseen oo ka socday gobolka Maroodijeex.

 

Leave a Reply