Ururka Dadka Aragana Naafada Ka Ah Ee Somaliland Oo Guddoomiye Cusub Doortay.

0
675

Hargeysa(Dawan)Shir weynihii  saddexaad ee ururka SOBO ayaa ka furmay xarunta ay ururkasi ku lee yihiin magaaladda Hargeysa , iyada oo lagu doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Ururkan oo ka shaqeeya arrimaha dadka Araga naafada ka ah ayaa shirkoodan oo ah shirkoodii saddexaad  ayaa ka socon doona magaaladda Hargeysa ,iyaga oo ku  doortay Mahdi Muuse Jaamac  oo loo doortay Guddoomiyaha Ururkaasi Xamda Cabdicasiis oo iyadana loo doortay guddoomiye ku xigeenka Ururkaasi.

Guddoomiyihii hore ee ururkaasi Cabdiraxmaan Saleebaan Cabdule ayaa xilkaasi ku wareejiyey guddoomiyaha cusub ee ururku doortay, waxaanu ugu duceeyey in Alle xilkaasi u fududeeyo guddoomiyaha cusub ee ururkaasi .

Dhankiisana guddoomiyaha cusub ee ururkaasi Mahdi Muuse Jaamac ayaa tilmaamay in aanu xilkan isu soo taagin ee loo gartay, waxa kale oo uu sheegay in ururkan loo aas aasay in uu wax ka bedelo baahiyaha ay lee yihiin dadka Araga Naafada ka ah oo aanay dadkaasi helin.

Ugu dambayna xilka Guddoomiye iyo ku xigeen ee ururkaasi ayay la kala wareegeen guddoomiyihii hore iyo guddoomiyaha cusub ee ururkaasi .

Leave a Reply