Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo la Kulmay Weftiga ka socda Baanka Adduunka

0
554

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa Xarunta Hay’addaasi ee Hargeysa ku soo dhaweeyey Wefti ballaadhan oo ka socda Baanka Adduunka, weftigaasi oo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay in ay bugaadiyaan waxqabadka iyo qorshaha sannadka cusub ee Hay’adda shaqaalaha.

Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa tafaasiil ka bixiyey ujeedka Weftiga Madaxda ka socota Baanka Adfuunku ay u yimaadeen Magaaladda Hargeysa, waxaanu sheegay weftigan oo ah Saraakiil Baanka Adfuunka ee Caalamiga ka socda inay u yimaadeen Bogaadinta hawlqabadkii 2018-ka ee Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland oo wada shaqayn fiicani ka dhexayso Baanka Adduunka iyo u diyaar garowga qorshaha waxqabadka sannadka cusub ee 2019-ka oo ay ka mid tahay dib u habaynta shaqaalaha dawladdu.

Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo sharraxaad ka bixinaayey ujeedada socdaalka Weftiga ka socda Baanka Adduunka iyo arrimaha ay ka wada hadleen ayaa yidhi “Kadib markii u soo dhammaaday hawl-qabadkii Sannadkii 2018 ee dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladdu waxaa kulan bogaadin iyo diyaar-garowga Sannadka cusub ah u soo gaadhay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda madax ka socota Baanka adduunka kuwaas oo bogaadiyey in shaqaalaha Dawladda Somaliland yeesheen xog sugan oo qof walba oo shaqaale ah laga hayo bu’da isha iyo farta qofka , sida oo kalena la diyaariyey dhammaan siyaasadaha iyo hageyaasha muhiimka u ah; kobcinta shaqaalaha, qeexida waajibaadka shaqaalaha iyo ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Dawladda iyada oo dhanka kalena la qaybiyey badi aqoonsigii Shaqaalaha Dawladda.”

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland waxa uu intaasi ku daray “Sida oo kale intii lagu gudo jiray sannadkii 2018 ayaa Machadka Shaqaalaha Dawladda CSI lagu qalabeeyey qalabkii ugu badnaa si loogu diyaariyo in uu bixiyo tababaro tiro badan oo Shaqaalaha Dawladdu heli doonnaan sannadkan 2019.”

Sharmaake waxa kale oo uu sheegay in masuuliyiinta weftitga ka socday baanka adduunku ay bogaadiyeen waxqabadka hay’adda shaqaalaha dawada Somaliland, waxaanu yidhi “Masuuliyiintan ka socday Baanka Aduunka ayaa Dawladda Somaliland ku bogaadiyey in diiwaanka mushahar bixinta qaranku “National Payroll sheet” uu noqday mid nadiif ah oo laga saaray dhamaan wixii shaki iyo ma shaqayste ku jiray iyaga oo dhanka kalena bogaadiyey nidaamka hufan ee Somaliland u qaaday dhanka xulashada kaalmahii ku banaanaday hawl-qabadkii tirinta Shaqaalaha Dawladda.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi raaciyay “Intii kulanku socday waxaa si hordhac ah la iskula sii eegay hawl-qabad culus ee sannadkan 2019 Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu bilaabi doonto si kor loogu qaado Shaqaalaha Dawladda maadama xogtii loo baahnaa si saxar tiran u soo xarootay.”

Mudane Sharmaake waxa kale oo uu sharaxay qorshaha hay’adda shaqaalaha dawladda ee sannadka cusub waxaanu yidhi “Sannadkan 2019 ayaa Insha Allah noqon doona mid wax badan laga bedelo; nidaamka shaqada, hannaanka shaqaalaha, hufnaanta adeega iyada oo dhanka kalena la dhaqan gelin doonno siyaasadaha Shaqaalaha Dawladda oo wax badan ka tari doonna; waajibaadka shaqaalaha iyo kor u qaadida xuquuqdooda kadib marka ay ansixyaan Golaha Wasiiradda JSL.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply