Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal oo soo Dhaweeyay Shirka Golaha Dhexe ee Lagu Qaban Doono Borama

0
712

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE  ee xarunta gobolka Awdal Cabdilqaadir  Daahir ayaa soo dhaweeyay shirka golaha dhexe ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE  oo lagu qaban doono magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Guddoomiye Cabdiqaadir waxaa uu sheegay in ay tahay taariikhda markii koobaad ee xisbi shirkiisa golaha dhexe ku qabsado magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama.

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Awdal isaga  arrimahaa ka hadlaya waxaa uu yidhi  “Waxaan hambalyo iyo boogaadin u diraya hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE ee go’aamiyay in shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ay ku qabtaan gobolka Awdal gaar ahaan degmadda Boorama, aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa sharafweyna wey noo tahay ka xisbi ahaan, iyo ka degmo ahaanba taariikh ayay u tahay, wanaag ayay u tahay waa shirkii golaha dhexe oo masuuliyiintii xisbiga oo dhami isugu imanayaan”

Waxaanu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa sii wata,“Waana xisbigii koobaad ee degmadda Boorama ku qabsada shirkiisa golaha dhexe aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynaynaa go’aankaa ay gaadheen hoggaanka xisbiga  oo uu ugu horreeyo  guddoomiyaha xisbiga ahna madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi  oo ah   in shirkaa lagu qabto magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaanu leenahay waad ku mahadsan tihiin go’aankaasi aad qaadateen waaney u qalanta magaalada Boorama taariikh iyo magac baaney u tahay bulshaweynta reer Boramana aad iyo aad ayay u soo dhaweynayaan in shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE lagu qabto magaalada Boorama,

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply