Guurtida oo Maanta Muddo Kordhin u Samaynaya Golaha Wakiillada

0
564

Hargeysa (Dawan):- Golaha guurtida Somaliland, ayaa maanta la filayaa in ay muddo kordhin dastuuri ah u sameeyaan golaha wakiiladda oo muddo xileedkoodiii dhammaad yahay, isla markaana doorashadii lagu soo dooran lahaa dib u dhac farsamo uu ku yimi.

Fadhi aan caadi ahayn oo la isugu yeedhay golaha guurtida Somaliland ayay ku dhegaysan doonaan warbixinta kama dambaysta ah ee ay u soo gudbinayaan golaha guurtida guddi farsamo oo goluhu u saaray in ay soo naaqishaan muddo kordhin dastuuri ah oo loo samaynayo golaha wakiilada Somaliland.

Xoghayaha guud ee golaha guurtidda Somaliland mudane Cabdinaasir Aadan Beegsi oo ka hadlayay fadhiga guurtidu maanta yeelanayso farriinna u diray xildhibaanada golahaas, ayaa sheegay in gudidii farsamo ay shaqadii loo diray soo dhameeyeen, isla markaana ay la kulmeen dhammaan dhinacyadii ay qusaysay.

Xoghayaha oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Golaha guurtidda Somaliland waxaan ku wargelinayaa inay ka soo qayb-galaan kulankii muhiimka ahaa, ee kalfadhiga aan caadiga aheyn ee la galay, waxa aynu  ogayn fadhigii aan caadiga aheyn ee golaha guurtiddu galey 13/1/2019 kaasi oo hawsha goluhu u saarey guddi ka kooban 25 xubnood, oo kala ahaa 21-mudane iyo shirguddoonka golaha guurtidda iyo xoghayaha guud ee golaha guurtidda oo wehelinayay, arrintaasina naaqishaad ay ku sameeyeen, muddo todoba cisho ah”

Xoghaye Cabdinaasir Beegsi waxa cadeeyay in maalinta bariya (maanta) mudanayaasha laga hor sheegi doono wixii ay guddidu xal u aragtay waxaanu yidhi “Guddidii arrintaaso loo saaray waxay soo dhammeeyeen, urrurinta xog wareysiyaddii ay la lahaayeen hay’addihii ay khuseysay arrintaasi si ay u talo badsadaan, muhiimadda hawshaasi ay leedahay darteed waxaaney la kulmeen saddexda xisbi qaran iyo gudida doorashooyinka qaranka, arrinkiina way soo afmeereen gudidu waxaaney u soo bandhigayaan gudidu hawshaasi ay soo qabteen gole weynaha hadii ALLE idmo, maalinta bariya (maanta) 21/1/2019 taas oo golaha ay ka horjeedin doonaan guddidu arrintii ay u arkeen inay xal u tahay muddo kordhinta golaha wakiiladda ee kalfadhiga aan caadiga aheyn loo galey, taas oo goluhu bari (maanta) u codeyn doono Insha ALLAH, sidaasi darteed waxaa lagu adkeynayaa dhammaan mudanayaasha golaha guurtidda meel ay joogaanba in ay maanta yimaadaan oo ay ilaaliyaan wakhtiga haddii EEBBE idmo”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply