Maareeyaha Cusub ee Madbacada Qaranka oo Xilka la Wareegay

0
1092

Hargeysa(Dawan):- Maareeyaha cusub ee madbacadda qaranka Somaliland Mudane Maxamuud Raage Ibraahim ee uu dhawaan madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi soo magacaabay ayaa shalay si rasmi ah ugala wareegay xilka maareeyihii hore siciid Saalax Shire.

Xaflad aad u bilan oo lagu qabtay hoolka madbacadda qaranka, oo ay ka qayb galeen wasiiro, guddoomiyaha gobolka Maroodi Jeex, hantidhawrka guud ee qaranka, xildhibaano, masuuliyiin kala duwan iyo marti sharaf kale, ayay xilka kula kala wareegeen labada Maareeye.

Waxaana ugu horreyn madashaasi hadalo koob kooban ka jeediyey agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha iyo Agaasimaha wax soo saarka ee madbacadda qaranka, kuwaas oo xusay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay madbacada qaranku tan iyo xiligii la aas aasay oo ku sutan 1997 taas oo uu wareegto ku soo saaray ALLE haw naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Waxa halkaasi laga sheegay doorka ay madbacada qaranku kaga jirto dawladnimadda oo ah daabacaada ducementiga dawladda iyo xafidsanaantiisa.

Maareeyhii hore ee madbacadda qaranka Mudane Siciid Saalax Shire ayaa halkaasi ku soo bandhigay sadex sanadood oo uu hayey masuuliyadda xilka madbacadda iyo waxyaabihii u qabsoomay mudadaasi.

Himiladda iyo hiigsiga ay lahayd waxa uu sheegay inay madbacada qaranka ku soo kordhiyeen wax qabad la taaban karo sida mishiino cusub oo ay u soo iibiyeen iyo dib u dhis ay ku sameeyeen guud ahaan madbacadda waxaanu caddeeyey inay awood u leedahay daabicidda nooc kasta oo ay tahay dhammaan dukumintiyada dawladda

Isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waan u mahad naqayaa madaxwaynaha xilka qarankuna waa qori isu dhiib walaalkayga i  bedelayana waan ku soo dhawaynayaa waan ammaanayaa shaqaalihii sida fiican iila soo shaqeeyey qarankuna wuu u ogyahay.

Waxaan filayaa inay sidaasi si ka wanaagsan ula shaqayn doonaan maareeyaha cusub .

Madbacadda qaranku waa halbawle aanay la’aanteed dawladdu waxba qaban karin waana mid ka mid ah tiirarka ugu wayn ee dhismaha qaranka.”

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi hadalo iskugu jira duco iyo dardaaran ka soo jeediyey maareeye ku xigeenka madbacadda qaranka iyo wasiirka wasaaradda ciyaaraha iyo waliba badhasaabka gobolka Maroodi Jeex, iyags oo dhammaantood u duceeyey maareeyihii hore dardaarana faray maareeyaha cusub in ILLAAHAY xilka ku asturo.

Maareeyaha cusub ee madbacadda qaranka Mudane Maxamuud Raage Ibraahim oo isaguna madashaasi uu xilka kula wareegayey hadal ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi “kolay war iguma seegana oo tan iyo intii lay magacaabay waxaan warsanayey masuuliyiintii kala dambeeyey ee soo maray madbacadda hal maalin xataa kii ka soo shaqeeyey si aan uga korodhsado waxay madbacadu u baahantahay, halkee u baahan gufayn xidhiidhadaas ayaan la soo sameeyey qaarkood si looga gudbo hadday jiraan carqalado ka hor yimid, madbacadu waajibaad bay qaranka u xil saaran tahay waxaa la rabaa inaynu sideeda uga soo baxno Shaqaalaha waxaan leeyahay shaqo ayaa inoo dhex ah oo innaga dhaxayneysa waxa iigu wayn ee iigu warar badnaa waxa uu ahaa shaqaalaha oo aan helin xaqii ay lahaayeen.”

Maareeyaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray “Madaxwaynuhu hore ayuu u ballan qaaday in kaabayaasha wax soo saarka dawladda inuu wax ka qabanayo isha ALLAH xukuumadu waxaan rejaynayaa inay wax wayn inala qabato oo ay inala dhisto.

Masuuliyaduna waa wax wayn oo marka lagu saaro maaha in lagu qurxiyey waa imtixaan lagugu eegaayo Aakhiro iyo adduunba ALLE haynagu asturo dhammaanteen.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply