Hargaysa (Dawa):- Guddoomiyaha hay’adda ka hortagga aafooyinka iyo kaydka raashinka ee Jamhuuriyadda Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa sheegay in ay gurmad ka galeen masiibooyin abaareed, duufaantii Sagar iyo deegaano ay ka dheceen colaad beeleedyo saamaysay nolosha dad badan oo ku baro kacay.
Waxa kale oo uu intaa raaciyay in ay gobolada dalka oo dhan ka hir gelinayaan xarumaha hay’adda iyo kaydka raashinka ee heer gobol, taas oo fududayn doonta gurmadka deg degga ah marka loo baahdo.
Waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyay deegaanada ay u gurmadeen iyo tirada qoysaska ay taakulaynta gaadhsiiyeen oo ay ku jraan deegaanno ay qoysaskii ku noolaa lacag caddaan ah ugu qaybiyeen.
Waxaanu sidaa ku sheegay guddoomiye Faysal Cali Sheekh Waraysi gaar ah oo uu shalay xafiiskiisa ku siiyay wargayska Dawan. Isaga oo ka warbixinayay dhacdooyinkii dalka ka dhacay mudadii uu xilka hayay iyo qaabkii ay hay’addu uga hawl gashay, waxaana uu yidhi “Bishii May ee sannadkii 2018-kii waxaa dalka ka dhacday duufaantii Sagar oo khasaare naf iyo maalba leh ka gaysatay. Sidoo kale waxaa afartii sannadood ee la soo dhaafay dalkeena ka jiray abaaro ba’an. Annaga oo taas og gurmadyo fara badan ayaanu ka samaynay, baaqyo caalamiya, shirar gaadhaya illaa 50 shir ayaanu qabanay, oo aanu kula shiraynay hay’adaha caalamiga ah, kuwa samafalka iyo hay’adaha dawliga ah ee Somaliland ba, kuwaas oo la xidhiidhay sidii la isugu dubba-ridi lahaa hawlahaas mucaawimooyinka ah”.
Faysal Cali Sheekh, waxa uu tilmaamay in markii ay goboladda galbeedka dalka ka dhacday dufaantii Sagar in ay si weyn uga hawl galeen caawintii dadkii waxyeeladu soo gaadhay, isaga oo faahfaahin ka bixinayay khasaarihii duufaanta iyo qaabkii ay uga hawl galeen, waxaanu yidhi “Mudadaasi waxaanu qaybinay illaa 64 kun oo qoys raashinkoodii ka hay’ad ahaan. Waxaanu la qaybinay hay’ado caalamiya iyo kuwa islaamiga ahba, raashin ka badan 100,000 oo qoys, mudaddaa sannadka ah. waxaanu soo saarnay buug ka hadlaya khasaarihii ka dhashay duufaantii Sagar, iyadoo tirada dhimashadda dadku ahayd 53 qof, xoolaha dhintay 310,000 oo neef, oo Adhi, Geel iyo Lo’, laakiin Adhi u badan.
Waxaa bur-buray in ka badan 40 dugsi ama iskuul, waxaa bur-buray illaa 12 MCH, waxaa baaba’ay illaa 8 illaa 9 kun oo beerrood, oo khasaare balaadhan ay gaadhsiiyay dhulkii la beeri jiray oo dhan, ceelashoodii iyo Mishiinadoodiiba. Dadweynaha illaa 1400 oo guri ayaa dumay, oo isugu jiray aqallo Dhagax ah, Jiingaddo ama Sandaqado, aqal Soomaali iyo kuwa Beebee-ga loo yaqaano.
Waddooyinka khasaare weyn ayaa gaadhay, oo aad iyo aad u balaadhan, oo meelo badan ayaa go’ay. Guud ahaanba marka aad eegto, gurmad aad u ballaadhan ayaa laga galay markaad eegto, madaxweyne, madaxweyne ku xigeen, wasiirro ama qaranka oo dhan baa gurmad u galay dhamaantiiba. Aad iyo aadna waan ugu mahad celinayaa cid kastoo ka qayb qaadatay.
Illaa hadda bishii May wixii ka dambeeyay khasaarahaasi markii uu dhacay, wax badan baa laga qabtay. Iskuuladii intoodii badnayd waa la dhisay, MCH-yadii way shaqeeyaan. Xagga xoolaha wax badan ayaa laga qabtay, ama daawayntoodda ha noqoto ama in dadkii xooluhu ka baxeen dib u xoolayn loogu sameeyayba ha noqotee”.
Guddoomiye Faysal oo hadalkiis sii wata, ayaa intaa ku daray “Sidoo kale waddooyinka illaa 110 KM dhul gaadhaya ayaa Cagafyo dib loogu simay, oo duufaantii goysay, oo deegaamadii la mari kari waayay ah, iyadoo hay’adda waddooyinka aan arrintaa ugu mahad naqayo, oo kaalin mug leh ka qaadatay annagoo is-kaashanayna iyo guddida heer qaran-ba. Dhinaca biyaha wax badan baa laga qabtay, ceelal fara badan ayaa dib loo hagaajiyay.
Laakiin duruufo badan oo aan weli dhamaystirmini way jiraan, oo ay ka mid tahay xagga beeraha waxna laga qabtay, waxyaabo kale oo u baahan in wax laga qabto sida dooxyo ku samaysmay oo aanu iminka doonayno in aanu wax ka qabano. Iyadoo qorshuhu yahay sidii beerahaas Dooxaydaas loogu duwi lahaa iyo dhinaca xoolaha ba” ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh Maxamed.
Geesta kale guddoomiyaha hay’adda kaydka raashinka iyo ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah waxa uu ka hadlay waxyaabaha kale ee u qabsoomay mudadii uu xilka hayay, waxaanu yidhi “Waxaannu soo saarnay muddadii aan hay’adda joogay qorshihii lagu hawl gelayay ee shanta sannadood ahaa, iyadoo buugiina aanu soo daabacnay. Shanta sannadood ee soo socda wixii aanu qorshaysanay oo qoran, oo xukuumadda iyo hay’adaha caalamaiga ah iyo cid walba aanu qorsheyaashayadda la wadaagi doonno. Kaas oo ay isku xidhan yihiin ama ku tacaluqa qorshaha guud ee qaranka Somaliland, ee aan keli uun u samaysnayn. Balse ay noo gaar yihiin shaqooyinkayagu, oo aanu sannad le u qaybinay ama sannad walba wixii aanu qaban lahayn.
Muddadda sannadka ah ee aan joogay xafiiska waxyaabaha kale ee noo qabsoomay waxaa ka mida, markii hore waxaanu deganayn xarun yar, oo xafiisyadu kooban yihiin, oo aan shirar lagu qaban Karin, aan meel la istaago (parking) lahayn, balse sannadkaa waxaanu ku guulaysanay in aanu xarun tii hore mid ka ballaadhan helno. Dedaal badan oo aanu u galnay kadib, iyadoo aanu madaxweynaha-na aad iyo aad uguga mahad celinayno, oo nagala qayb qaatay sidii aanu xaruntan u heli lahayn iyo wasaaradda caddaaladda oo markii hore halkan lahayd.
Waxaanu dhisnay meel weyn ama Hool weyn, oo illaa 100,000 oo jawaan oo raashin ah qaadi kara. Kaas oo dhismihiisu imika geba gabo uu marayo. Waxa kale oo aanu dhisnay Teendhooyin (Ware Houses) waaweyn, oo aanu kaydka raashinka si ku meel-gaadh ah aanu ugu sii isticmaalayno. Waxa kale oo aanu abuurnay kaydkii qaranka”.
Waxaanu intaas raaciyay “Waxa kale oo aanu u gurmanay mudadda sannadka ah ee aan xilka hayay meello fara badan oo ay dhibaatooyin ka taagnaayeen, ama ha noqoto duufaantii Sagar ama ha noqoto abaarihii oo aanu meello badan raashimo gaadhsiinay iyo waxyaabo kale oo aan raashin ahayn ba.
Sidoo kale meelihii ay colaaduhu ka dhaceen, sida Ceel-Afweyn meelihii ay dagaaladu nolosha dadka saameeyeen gurmad raashin baanu ka galnay. Waxa kale oo aanu raashin gaadhsiinay meesha la yidhaahdo Koonfurta gobolka Sool, oo colaadii beeluhu ka dhacday, iyadoo aanu laba jeer raashin gaynay. Hay’adaha kale ee caalamiga ahna waanu uga dalabnay raashin, kaa soo imika si fiican ugu socda.
Sidoo kale Tukaraq, oo iska hor imaad ku dhexmaray Somaliland iyo Puntland, iyad-na dadkii degaankaasi ee ay colaaddu saamaynta ku yeelatay caawimo ayaanu gaadhsiinay. Mar 1500 oo qoys ayaanu lacag kaash ah siinay, muddo laba bilood ah, hadana lix bilood ayaanu raashin qaybin u samaynay 3500 oo qoys. Imikana 2800 oo qoys ayaanu deegaanka Koonfurta Sool raashin muddo lix bilood ah uu imika u bilaabmaya, oo uu labadii bilood ee u danbeeyay uu marayaa.
Waxaanan ugu tallo galnay illaa inta colaadaasi ay degayso ama dhamaanayso in ay sii socoto raashin qaybintu.
Waxa kaloo aanu magaaladda Burco ka diyaarinay dhul aanu doonayno in uu kaydka raashinka u noqdo goboladda bariga, dhulkaasoo aanu doonayno in laga dhiso bakhaaro waaweyn. Helitaanka dhulka ayaa dhibaatada ugu culus ah, hase yeeshee way noo suurto gashay, waxaanan helnay meel aad ugu habboon. Aad iyo aad ayaanan ugu mahad celinaynaa maayarka Burco iyo badhasaabka Sool, oo runtii nagala shaqeeyay arrintaasi. Sidoo kale Berbera iyadana dhulkii kaydka hangarrada kaydka raashinka laga dhisi lahaa waanu ka diyaarinay. Boorma iyana dhulkii laga dhisi lahaa kaydka raashinka waanu ka diyaarinay”ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah iyo kaydka raashinka Somaliland.
Mar uu sharaxaad ka bixinayay tababarro la xidhiidha dhinaca qaybinta raashinka iyo sid aloo ilaaninayo oo ay siiyeen shaqaalaha hay’adda waxa uu yidhi,
La soco qaybo kale oo ka mid ah waraysigan.