WEEDHA WARGEYSKA Saameynta Isbeddellada Siyaasadeed ee Ka Socda Dunidu

0
113

Ummadaha daafaha iyo ubucda dunida ku kala nooli, waxa uu mid kastaa markay dhibaato la soo gudboonaato ama uu badhaadhe iyo barwaaqo helo raad raac ka dhigtaa wixii uu hore uu usoo maray, si uu xal kama dembeysa ah uga gaadho ta maanta hor-taalla isagoo uga faa’iideysanaya wixii hore uga khaldamay ama u hagaagay barkhad iyo balaayaba.

Taariikhdu waa tagto oo wixii shalay ku dhaafay maanta dib laguugu soo celin maayo, hase ahaatee haddana taariikhdu waa mid soo noqnoqota. Sidaa awgeed waxay indheer-garadku had iyo goor dib ugu noqdaan oo ay si mug leh u darsaan, dhib iyo dheefba wixii hore ee waayaha nolosha kala soo kulmeen iyo siday wax u dhaceenba, si aanay u il-duufin waxay ka yeelayaan xaajada hadda hortaal.

isbeddello ballaadhan oo xagga siyaasadda ku lug leh oo tusaale ahaan u badan laba dhinac oo kala ah aragti siyaasadeed oo aaminsan, in dabaqadda sare ama inta wax haysataa ay ka mudan yihiin kuwa fara madhan [Populism] iyo aragtida kale ee siyaasadeed oo iyana aaminsan in si dalalka dunidu isagu soo dhawaadaan la wadaago xidhiidho ganacsi, bulsho, siyaasad, dhaqaale, socdaal, farsamo iyo dhaqanba, ‘ [Golobalization] si uu u fududaado isku socodka bulshada ee dunidu.

Labadan aragtiyood ayey haatan u kala jabeen quwaddii reer Galbeedka ee hore isugu raacsaneyd halka aragti ee siyaasadeed ee ay ka mideysanaayeen ee ah nidaamka Dimoqraadiyadda, isla markaana ku bahoobeen cudud Millateri oo loo yaqaan [ NATO.]

Waxa iyana jira laba quwadood oo Kale oo midba gaarkiisa u taagan yahay oo saddexaad oo siyaasad iyo dhaqaale ahaanba kala madaxbannaan, balse aragtidooda siyaasadeed meel badan isaga mid yihiin, iyagoo aaminsan nidaamka Hantiwadaagga oo u toleen direys casriya oo aad uga furfuran nidaamkii dhabta ahaa ee marka dhinac laga eego qallafsanaa, haseyeeshee lahaa dhinacyo kale oo wanaagsanaa.

Nidaamkan Hantiwadaagga ee la casriyeeyey, waxa aaminsan oo ku saddex ah Shiinaha iyo Ruushka oo mid kasta keli ahaantii u babac dhigi karo awoodda Millateri ee huwanta reer galbeedka oo haatanna u muuqata mid uu ka go’ay garabkii ugu weynaa oo ah Mareykanka, waxa intaa u sii dheer in dalka Shiinaha lagu tilmaamo hadda inuu xagga dhaqaalaha kaga horreeyo Mareykanka.

Sidaa darteed labadan dal ee uu isku dhaw yahay nidaamkooda siyaasadeed, waxa mid walba gaarkiisa dadaal ugu jiraa siday mar uun dhulka u jiidjiidi lahaayeen reer Galbeedka oo dunida hoggaankeeda siyaasadeed ku amar ku-taagleynayey wixii ka dembeeyey dagaalkii labaad ee dunida, siiba xagga dhaqaalaha.

Haddaba, qolyahan cabsan aragtida siyaasadeed ee ah caalamku in uu isku soo dhawaado oo wax kasta isdhaafsado, waxay ku doodayaan in bashbash, barwaaqo iyo nabadba lagu nidaamka dunida inteeda badan lagu soo dhaqayey muddadii ka dembeysay dagaalkii 2aad ee dunida. Intaa waxa kale oo ay ku darayaan in qolyahan kasoo horjeeda aragtidooda siyaasadeed ee aaminsan in dib loogu noqdo nidaamkii hore ee ay inta wax haysataa xaqa u lahayd inay xukunto dadka intiisa kale, inuu yahay nidaamkaasi [Populism] mid dib ugu celin doona dunida dagaalladii ka dhex socday dalalka xilligii uu nidaamkoodu awoodda badan ku lahaa hoggaaminta caalamka, isla markaana bulshooyinka dunidu la kulmi doonaan gaajo, macaluul iyo caafimaad darraba.

Ifafaalayaasha siyaasadeed ee hadda soo muuqanayaa, waxay innoo bidhaaminayaan in isbeddel siyaasadeed ka dhacayo dunida waqti aan dheereyn, sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah in dawlad iyo shacbiba aan la jaanqaadno arrimaha siyaasadeed ee ka socda hareeraheena iyo dunida inteeda kaleba. Waxaan muran lahayn in sida kaliya ee aan ula tallaabsan karnaa ay tahay isku tashi, ismaqal iyo isku duubni.

Waxa loo baahan yahay inaan iska dhaafno ku mashquulidda gondaheena ama dhexdeena oo aynu u jeesano isbeddelladaa kusoo fool leh dunida sida uu innoo saameyn karo, xeeladaha aan kaga bixi karno, halka danteenu ku jirto ee aan ka geli karno, waayo maanta dagaallada lagu hoobtay iyo loollanka siyaasadeed ee ka socda Bariga dhexe maaha mid la dhayalsan karo saameyntiisa. Sidaa awgeed waxa loo baahan yahay inaan dib u dhuganno Taariikhda oo aan isweydiino shalay maxaan innaga khaldamay, maxaynu seegnay ee ay ahayd inaan yeelno, maxaase maanta innala gudboon si mar kale aynaan u gelin khalad la mid ah kii 1960kii?

Sida ku xardhan taariikhaha dunida, in shacbiga reer Somaliland ay iyagoo 4 maalmood oo qudha haystay madaxbannaanidoodii ay ka qaateen boqortooyada Ingiriisku, si bilaa shuruud ah ugu darsadeen dalkii Soomaaliya ee uu Talyaanigu gumeysanayey oo iyagana uu siiyey xorriyaddooda 1960kii. Runtii caadifad shacbi ayaa halkaa ina geysay, welina dadkeenu kamay waantoobin, waxna ma hubsadaan inta badan, umana dhaafaan oo uma daba fadhiistaan talada iyo go’aanka ciddii ay u dhiibtaan hoggaaminta dalka.

Haddaba maanta oo ay xaaladaha siyaasadeed ee dunida iyo hareeraheenaba ka socdaa yihiin kuwa ka khatarsan xilliyadii lixdameeyada ee ay socotay dabeyshii Xorriyadda ee Afrika, waxa marka habboon inaan wixii hore inoo soo maray wax ka barano, isla markaana u guntano ka shaqeynta midnimada shacbigeena iyo in sidii caadada innoo ahayd aynaan sidii dacawga uga daba qeylin kuwa aan u igmanay inay dalka iyo dadka hoggaamiyaan, haddii taa la waayo oo kooxiba meel iyo si gaarkeeda u hadasho, waa hubaal inaan cidna ku soo dhiiraneyn inay xidhiidh siyaasadeed iyo mid dhaqaale toona la yeelato Madax shacbigoodu aanu daba taagneyn, siyaasaddana sida daadka roobka hortii laysaga mooso ayaa inta aanay gudahaaga soo gaadhin layska moosaa.

Gebagebada qormadan kooban Madaxda Muqdisho iyo kuwa kale ee Maamul Goboleedyada hoggaanka u haya waxaan leeyahay taariikhda hallaga faa’iideysto oo halka ay midnimadii lixdankii dhigtay waa aragnaaye, haddaad mar kale burbur iyo halaag rabtaan, halkiinaa ka wada Muqaddasnimada aad sheegtaan ee hadda maxsuulkeeda la hayo, haddii kale oo rajo iyo mustaqbal fiican la dooneysaa labadii shacbi ee iskood isku raacay u daaya sidii ay kala ahaayeen wixii ka horreeyey 1dii July 1960, haddii kalana wax wanaag iyo samo ah oo la dooneysaan ma jiro oo aan ka ahayn dagaal iyo sii kala fogaansho dembe oo dhaca.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here