Soomaaliya oo Noqotay Dalka ugu Musuqmaasuqa Badan ee Adduunka

0
490

Muqdisho (Dawan)- Dawladda maqaar-saarka ah ee Soomaaliya ayaa noqotay dalka adduunka ugu musuqmaasuqa badan, waxaanay kaalinta koowaad kaga jirtaa tobanka dal ee caalamka uu la daadegay Musuqmaasuqu.

Sidaasna waxa ku dhawaaqday Hay’adda caalamiga ah ee Transparency International oo soo saartay warbixinteeda sannadlaha ah, waxaanay ku sheegtay in Soomaaliya ay liiska halka ugu hoosaysa kaga jirto dalalka uu ragaadiyey musuqmaasuqu.

Soomaaliya oo rubuc-qarnigii la soo dhaafay ay ka jirtay dawlad la’aan iyo xasilooni darro daba-dheeraatay waxay si joogto ah safka hore ka gashay dalalka guul-daraystay ee caalamka.

Waxa kale oo warbixinta Hay’adda Transparency International weji-gabax ku tahay dawladda aan iskeed isu maamuli karin ee Soomaaliya oo dhawaan sheegatay inay suulisay musuqmaasuqii naafeeyey Ha’yadaha dawladda Muqdisho.

Warbixinta Transparency International waxa kale oo lagu shaacisay sagaal dal ee Soomaaliya ku weheliya dalalka ugu musuqa badan adduunka, kuwaasi oo kala ah Suuriya, Koofurta Suudaan, Waqooyiga Kuuriya, Suudaan, Guinea Bissau, Equatorial Guinea, Afghanistan iyo Liibiya. Warbixintu waxay intaas ku dartay in dalalka musuqmaasuqu bariinsaday ay intooda badani dagaalo naafeeyeen isla markaana aanay ka jirin dawlado si dimuqraadi ah loo doortay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply