Tababbar loo soo Xidhay Dufcaddii 7aad ee ka Qalinjabisa Dab-demiska

0
791

Hargeysa (Dawan)- Duqa Caasimadda Hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteelko) ayaa Tababbar u Soo Xidhay Dufcaddii todobaad ee u Qalinjabisa ciidamada Dab-demiska Somaliland.

Munaasibadda ciidamada damdamiska oo ka dhacday Xarunta Dab-demiska Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay xubno tiro badan oo ka mid ah masuuliyiinta qaranka, waxaana tababarkaasi oo socday muddo siddeed bilood ah wax lagu baray dhallinyaro ka tirsan dabdemiska oo tiradoodu gaadhaysay 42 askari, kuwaas oo ka kala socday gobollada Awdal, Togdheer, Gebiley iyo Maradoodijeex.

Khubarada tababbarkan bixinaysay ayaa muddadii uu socday waxay siiyeen ardayda casharro la xidhiidha qaabka loo maareeyo aafada dabka iyo hoggaaminta bulshada.

Ugu horreyn, waxa madashaas ka hadlay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska sarreeyo guuto Maxamed Axmed Sawaaxili isaga oo ku dheeraaday qaabkii loo yagleelay ciidankan. Taliyaha ayaa ku nuuxnuuxsaday dedaalkii joogtada ahaa ee loo huray hawshan baaxadda leh, taas oo maanta midhaheedi la guranayo.

Taliyaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “2014-kii ayaanu Hargeysa ka bilawnay Xarunta Dab-demiska. Waxaanu ku guulaysannay in aanu u gudbinno gobollada dalka.”

Madashan oo ahayd madal-sagootineed ayaa waxa sidoo kale ka soo qayb-galay Wasiir ku xigeenka Amniga Qaranka Maxamed Muuse Diiriye, agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mud. Mukhtaar, duqa magaalada Gebilay, xildhibaanno ka socda Golaha Deegaanka iyo Golaha Guurtida.

Ugu danbeyn, waxa madasha soo afmeeray duqa caasimadda Hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, waxaanu tibaaxay heerarkii kala geddisanaa ee uu soo maray dhismaha ciidamada dab-demiska Hargeysa.

Duqa Caasimaddu waxa uu ammaan ku u jeediyay Xarunta Dab-demiska oo uu sheegay in hadh iyo habeen ay ku foogganaayeen ka dhabaynta himilada iyo hanka caasimaddu ku taamaysay muddo dheer. Isaga oo arrimahaas ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Sarreeyo Guuto Axmed Sawaaxili wuxuu keenay qorshihii lagu amaamudi lahaa ciidan dab-demis isaga oo ka dhigay qorshahaas mid dhaqan-gala oo lagu guulaysto (sustainable).

Geesta kale, duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Solteelko wuxuu tiraabay in hillinka iyo ujeeddada ugu weyn ee loo alkumay xaruntaasi ay tahay sidii loo dabooli lahaa ama qayb weyn looga qaadan lahaa baahida shaqo la’aanta ee ragaadisay labeentii dhallinyarta Somaliland. “Waxa loo baahday in dhallinyartii jaamacadaha ka soo baxday iyo dugsiyada sare loo sameeyo shaqo abuur. Qodobka labaad ayaa ah in dhallinyar loo carbiyo sidii ay uga qayb- qaadan lahaayeen hawl-gallada badbaadada degdegga ah. Sidaas daraaddeed ayaanu u qaadannay go’aan ah in aannu miisaaniyaddayada ugu soo darno oo aanay markii hore ku jirin.”

Gebogabadii duqa caasimadda ayaa la dardaarmay dhallinyarta uu u soo xidhmay tababbarkani isagoo ku boorriyay sidii ay casharrada ay barteen ugula noqon lahaayeen gobolladii ay ka yimaaddeen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply