Wasiir Sacad oo Ka War Bixiyay Kulan uu La Yeeshay Wefti ka Socda Baanka Adduunka

0
546

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka Wasarada Horumarinta Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa shalay xafiiskiisa kulan kula la yeeshay masuuliyiin ka socday Baanka Adduunka.

Kulanka labada dhinac, ayaa lagaga wada hadlay sidii Somaliland iyo Baanka Adduunku uga wada shaqayn lahaayen hannaanka mashruuca dib u habaynta maaliyadda Somaliland oo Baanka Adduunku uu gacan ka siinayay Somaliland.

Waxa kale oo kulnakan lagaga wada hadlay sidii Baanka Adduunka iyo Somaliland ay u sii xoojin lahaayeen wada shaqayntooda isla markaana uu Baanka Adduunku Somaliland dhinacyo badan uga taageeri lahaa.

Sacad Cali Shire oo kulankaasi ka dib warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in Baanka adduunka ay ka wada hadleen sidii ay kor ugu sii qaadi lahaayeen mashruuca dib u habaynta maamulka maaliyadda ee Somaliland.

Waxaanu intaa ku daray in meel fiican uu marayo mashruuca dib u habaynta maaliyada Somaliland ee PFM.

Sacad Cali Shire oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta (shalay) waxa xafiiska noogu yimi oo nagu soo booqday wefti ka socday Baanka adduunka waxaanay u jeedadoodu ahayd in ay qiimeeyaan halka uu marayo mashruuca maamul wanaagga Maaliyadda ee loo yaqaano PFM, waxaanay kulamo la yeesheen waaxyaha wasaarada Maaliyadda ee kala duwan waxaanan isla qaadanay in meel wanaagsan uu marayo mashruucaasi.”

Wasiirku waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Waxa kale oo aanu ka codsanay in ay teegeeradooda sii wadaan, isla markaana kor u qaadaan mashruuca maamul wanaaga. Shirkaasi si wanaagsan ayuu noogu qabsoomay, waxaanan uga mahad celinaynaa Baanka Adduunka iyo Qaadhaan bixiyeyaasha taageerada ay innaga siiyaan sidii aynu kor ugu qaadi lahayn maamulka Maaliyadda.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply