Bulshadda Deegaanka Godmo Biya Cas oo Jid Muhiim ah Dayactir ka Wada

0
641

Godmo Biya-cas (Dawan) Deegaanka Gudmo Biya Cas waa mid ka mida deegaanadda ugu biyaha badan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Deegaankani waa mid hodan ku ah dhanka wax-soo-saarka, balse bulshada ku nooli waxaa ay dhibaato kala kulmaan gaadiidkii deegaankaasi iman lahaa, oo maritaanka waddadani ay ku adag tahay.

Dadweynaha deegaankan ayaa dayactir ballaadhan ku sameeyay Jidkan, waxaana dayactirka waddadan la soo gaadhsiiyay oo ay mareysaa oo bulshadu ay soo gaadhsiiyeen deegaanka Harti Yimid oo 60-km dhanka galbeed kaga beegaan degmadda Ceerigaabo, wadadana waa uu ka muuqdo burbur kadib markii la waayay dayactir, sidaasi darteed dadka deegaanku taag kasta hala haadaane waxaa ay billaabeen inay wadan ka shaqeeyaan.

Waxaaney dadkani sidan ka sheegeen mar ay la hadlayeen Farxaan Maxamed Xidig oo ah sawir qaade madax banaan.

Xuseen Cumar Faarax oo gudoomiye u ah dadka wadadani dayactirkeeda ku hawlan ayaa ka hadlay mudada ay wadeen hawsheeda iyo caqabadaha hortaagan waxaanu yidhi “Dadka waddadan ka shaqeyneyaa waa dad xoogsato ah oo is yidhi iskiin wax-u-qabsadda, 12-bilood iyo habeenno ayaanu ka shaqeynay, Gudmo Biya Cas ayaanu ka soo bilownay waddada, waana taa hadda shaqadii si wanaagsan inoogu socota, ciidanka hada ka shaqeeya waa ciidan doora, waxaanu bilowney lixda aroornimo galinka hore afar saacadood ayaanu shaqeynaa galinka danbana afar.”

Sidoo kale oday Xuseen waxaa uu tilmaamay in dalxiisayaal fara badan oo dunidda dacaladeeda ka yimaada ee soo booqda goobtan taariikhiga ah ee Gudmo Biya Cas ay dhibaato kala kulmaan wadadani, kuwaasi oo dalka soo galiya dakhli waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Dalxiiska faa’ido fara badan ayaa naga soo gasha, haday makhaayaddaha, huteeladda laga cunteeyo tahay iyo hadii ay dhulka ay ku soo degayaan tahay”

Ugu danbeyn oday Xuseen Cumar Faarax oo ka mid ah odayasha deegaanka ahna gudoomiyaha dadka ku hawlan dayactirka wadadan ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay gacan ka siiso dayactirka jidkan, waxaanu yidhi “Beero ayaa jira, cashuur baa nalaga qaada, Beeyaa jirta cashuur ayaa nagala qaada, xoolaha marka aanu sayladaha geyno cashuur ayaa nalaga qaada, waxaanu dooneynaa in cashuurtaa nalaga qaado in wax naloogu qabto, oo ay wax dib noogu soo noqdaan, bulshadii xoolaha laheyd in wax loogu qabto, roobka da’aa inta yar ee aanu qabaney markaaba waa uu ka qaadayaa”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply