Ciidanka Booliska oo Hawlgallo Ka Fuliyey Dhammaan Gobolada Dalka

0
766

Hargeysa (Dawan) Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saddexdii habeen ee la soo dhaafay xaafadaha Magaalada Hargeysa ka fuliyey hawl-gal xoogleh oo ay ku ugaadhsanayeen dhallinyarro dadka ka booba Telefoonnada gacanta, kuwaasi oo dadweynaha dhibaato ku haya.

Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa sheegay in hawlgalkaasi uu la xidhiidho ilaalinta ammaanka caasimadda Hargeysa, waxaanu tilmaamay in ciidanka Boolisku ay raacdaynayaan firxadkii u dambeeyey ee kooxo dhallinyaro ah oo dadweynaha habeenkii ka qaada Telefoonnada.

Taliye Ku xigeenka Boolisku wuxuu tilmaamay in dadweynuhu ay ka raysteen dhibaatadii ay tuugtu ku hayeen, waxaanu xusay in hawlgalkaasi noqon doono mid joogto ah.

Shanta degmo ee caasimada Hargeysa ayaa lagu arkay ciidan xoog leh oo waddooyinka iyo xaafadaha ka fulinaya hawlgalkaasi oo tallaabo ka qaadaya dhallinyarada koox-kooxda u fadhida xaafadaha dhexdooda.

Waxa kale oo la sheegay in kooxihii tuugta ahaa ay ka baxsadeen jidadkii iyo meelihii ay bulshada kaga xoogi jireen Telefoonnada gacanta.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply