Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Sagootiyay Madaxii Hay’adda DANIDA Denmark

0
556

Hargaysa (Dawan): Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shalay sii sagootiyay madaxii xafiiska Hargaysa ee hay’adda DANIDA Denmark ee Somaliland Mrs. Anna.

Kadib markii ay ka dhammaatay shaqadii ay hay’adda DANIDA Denmark ka fulin jirtay Somaliland, iyadoo kala shaqayn jirtay mashaariic dhawra oo la xidhiidha dhinaca amniga iyo horumarinta.

Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa Mrs. Anna ku ammaanay doorkii fiicnaa ee ay ka soo qaadatay mashaariicdii horumarineed ee hay’adda DANIDA ka fulisay Somaliland muddadii ay ka shaqaynaysay.

“Waxaanu saaka (shalay) halkan ku sii sagootiyaynaa Mrs. Anna oo madax ka ahayd hay’adda DANIDA ee dalka Denmark, oo muddo ka shaqaynaysay dalkan Somaliland barnaamijyo fara badan oo horumarineed-na inagala shaqaynaysay.

Wakhtigii shaqadda ayaa ka dhamaaday hay’adda DANIDA, gabadhii hay’adan madaxda ka ahayd ee Mrs. Anna way inaga ambabaxaysaa. Mudadii ay dalkan Somaliland ka shaqaynaysay si aad iyo aad u wanaagsan oo hagarla’ ayay u shaqaynaysay ”ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Isaga oo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Si gaara waxay ula shaqaynaysay wasaaradda arrimaha gudaha. Laba barnaamij ayay kala shaqaynaysay. Barnaamijka GPLG-ga, nabadgelyadda, barnaamijyadda horumarinta ee guud ahaan dalka oo dhan ayay kala shaqaynaysay.

Waxa kale oo ay guddoomiye ku xigeen ka ahayd, golaha maamul wanaaga dawladnimadda (Forum of good governance), oo ay aniga guddoomiye ku xigeen ii ahayd. Waanan macasalaamaynaynaa”.

Geesta kale Mrs. Anna madaxii xafiiska hay’adda DANIDA Denmark ee Hargaysa, ayaa iyana geesteedda ka hadashay, waxaanay xukuumadda Somaliland ku ammaantay sidii wanaagsanayd ee ay u soo wada shaqeeyeen.

Waxaanay tidhi “Mudane wasiir, sida aad og tahay dawladda Denmark waxay muddo badan ahayd saaxiibka Somaliland. Waanan ku faraxsanahay in aan muddo ka shaqaynayay Somaliland aniga oo metelayay dalkayga Denmark.

Waan sii wadaynaa xidhiidhka wanaagsan ee naga dhexeeya dawladda Somaliland iyo shacabkeeda-ba”.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply