Ciidanka Qaranka Somaliland oo Maanta 25 Jirsanaya

0
986

Hargeysa (Dawan):- Ciidanka qaranka Somaliland, ayaa maanta u debbaal degaya sannad guuradoodii 25-aad ee ka soo wareegtay maalintii la aasaasay oo ku taariikhaysan 02/02/194-kii.

Sannad guurada shan iyo labaatanaad ee Ciidanka qaranka oo guud ahaan gobolada dalka maanta lagu qabanayo ayaa munaasibadda ugu weyn lagu qaban doonaa taliska guud ee ciidnaka qaranka, waxaana ka soo qayb gali doona madaxda qaranka ugu sarraysa oo uu ugu horreeyo madaxweynaha qaranka Somaliland, madaxda sadexda Xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

Waxaa kale oo ka soo qayb gali doona Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Ciisa Axmed Yuusuf (Xawar), taliyaha guud ee ciidanka qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, abbaan-duuleyaasha ciidanka qaranka iyo taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Waxaanay munaasibadda 25 guurada ciidanka qaranka Somaliland ay noqonaysaa munaasibad ciidanka qaranku uu ku rubucqarni jirsaday isaga oo hantay xuduudaha dalkiisa hooyo isla markaana noqday ciidan u adeega shacabkiisa oo kala qayb qaata dhammaan duruufaha nololeed ee la soo dersa sida ka qayb qaadashada gurmadka abaaraha, duufaanada, cudurada iyo dib u dhiska dalkaba isaga oo waajibaadkiisa gaarka u ah ee difaaca dalka iyo dadkana hantay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply