Geedi Socodka iyo Rejada Waxbarashada Degmooyinka Duruqsi iyo Balidhiig

0
1216

Balidhiig (Dawan) Guddoomiyaha degmadda Duruqsi Axmed Cabdillaahi Gaab ayaa sheegay in dugsiyadda sare ee laga hirgaliyay deegaanada hoos yimaada degmadda Duruqsi ay soo celiyeen rejadii waxbarashada ardayda deegaanadaasi.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka degmada Balidhiig oo isna warbaahinta qaranka la hadlay ayaa tilmaamay in geedi socodka waxbarasho ee degmadda Balidhiig iyo deegaanada hoos yimaada ay hadda meel wanaagsan marayaan.

Guddoomiye ku xigeenka degmadda Balidhiig, Jaamac Raabi Cali ayaa ka marag kacay in geedi socodka waxbarasho ee degmadda Balidhiig uu hadda meel wanaagsan marayo waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlayay “Labadii xukuumaddood ee kala danbeeyay ee xisbiga KULMIYE, ee ay kala hogaaminayeen madaxweynihi hore Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxweynaha hadda jagadda madaxtinimadda haya mudane Muuse Biixi Cabdi, dhab ahaantii degmadda Balidhiig waxaa ay mareysaa halkii ugu wanaagsaneyd sida runta ahna ay tahay, inta badan macalimiinta dugsiyadda wax ka dhigaa waa macalimiin guneysan, oo tayadooda aqooneedna ay aad u sarreyso, waxaa jirtay mar ay degmadda ka jireen kaliya dugsiyo hoose dhexe, oo ardaydu dhirta hoosteeda wax ku barato, maanta waxaa wax Illaahey loogu mahad naqo ah todoba magaalo oo degmadu ka kooban tahay, in todoba dugsi oo hoose dhexe ay ka jiraan”

Guddoomiyaha degmadda Duruqsi Axmed Cabdillaahi Gaab ayaa sheegay in dugsiyadda sare ee laga hirgaliyay degmadda Duruqsi ay soo celiyeen rejada geedi socodkii waxbarasho ee deegaanada hoos yimaada degmada Duruqsi “Marka ardaydu ay ka baxaan fasalka todobaad may heysan cid ay Burco ugu tagaan ama iskuulkii ka bixisa, waana dad xoolo dhaqato ah, halkaasi ayaaney waxbarashadda boqolkiiba todobaatan ama siddeetan kaga tegi jireen, ama ay saaqidi jireen, hase ahaate intii iskuulkan loo dhisay kii kal hore ka baxay iyo kii kal saddexaad ka baxay, intuba waa ay isugu yimaadeen,dib ayaanu iskuulkaasi rejadii waxbarashada ee degmadda Duruqsi u soo celiyay, deetana imika waxaa ku jira ilaa 50 arday oo hal fasal oo dugsiga sare ah.”

Isu-duwaha wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ee gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Caynaanshe, ayaa tilmaamay in xil ka saaran yahay ilmo kasta oo ku nool gobolka Togdheer in uu waxbarasho helo, waxaanu yidhi “Ilma kasta gobolkan Togdheer ku nool waxaa waajibaad naga saaran yahay inuu helo waxbarasho tayo leh, waana masuuliyadayada koobaad, waana mid aanu u taaganahay, hirgalinta hawlahayaga waxbarashana waa mid u badan deegaanadda miyiga ah, duruufta magaalada taallana waa ay ka duwan tahay kuwa miyiga yaala, marka waxaa aanu inta badan ku dadaalna in aanu gaadhsiino miyiga, maadaama aaney awood u helin inay soo gaadhan magaalooyinka in aanu halkooda ku gaadhsiino, markii horena waxaa aanu awoodda saarney sidii aanu dugsiyaddii hoose dhexe uga aasaasi laheyn.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply