WEEDHA WARGEYSKA Muranka Is Xanbaarka

0
578

Madaxweynaha Uganda Yeweri Musevani, ayaa la yaaban jawaabta kaga soo laabtay maamulka Farmaajo ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaa maalmo ka hor khudbad uu ka kaga hadlayay Garsoorka dalkiisa, waxaa uu ku soo hadal qaaday Soomaaliya. Isaga oo tilmaamay in aanay dawladi ka jirin Soomaaliya. Sidoo kale waxaa uu sheegay inay jiraan waddamo badan oo la mid ah oo aanay dawladdo ka jirin sidoo kale. Hase ahaatee, Yeweri Musevani wuxuu caddeeyay in dalalka kale aanu u magacaabi karrin xidhiidhka diblomaasiyadeed awgeed.

Maamulka Farmaajo waa uu ka cadhooday arrintaas, waxaana markiiba jawaabay Wasiirka Wasaarradda arrimaha Dibedda dawladda aan iskeed isu maamulin ee Soomaaliya bAxmed Ciise Cawad oo madaxweynaha Uganda ku tilmaamay nin iska hadlay. Waxaana ay sheegeen inay xidhiidhka u jarayaan.

Dabadeed, waxaa soo baxday su’aasha ah, Ilmo yari, haweenay Xanbaarasan oo uu dhabarkeedda ku cabayo Masaasad ma u hanjabi karraa?

Aan sii faah-faahiyo, Uganda waa dalkii ugu horreeyay ee ciidamo ka hoos shaqeeyo AMISOM u diray Soomaaliya bishii March 2007. Haa waa awoodda ugu xooggan ee ku sugan dalkaas, waxaana ciidamada iyo saraakiisaha ka joogga dalkaasi ay dhan yihiin 6,223.

Ciidamadan, sal dhigoodu waa aagga 1aad oo ay soo hoos gelayaan Gobolada Banaadir (Mogadishu) oo ah xarunta, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale, Baydhabo guutooyin cusub ayay dhawaan geysay.

Ciidamadani waxaa ay masuul ka yihiin ilaalinta hey’adaha Federaalka ee dalkaas oo macaa madaxtooyaddu ku jirto. waxaa kale oo ay gacanta ku hayaan nabadgelyada ilaha kaabeyaasha dhismaha oo ay ku jiraan garroonka, diyaaradaha iyo dekedda weyn ee Muqdisho.

Hawshan Uganda waxaa ka soo gaadhay dhiig-bax badan, ciidamo badana waa lagaga laayay, waxaana ay u muuqataa in Yeweri Musevani sannaddo badan ka dib hadda quus ku dhaw-yahay oo uu fahmay in aanay sidii ay moodayeen u hawl-yarayn dawladdaynta Soomaaliya. Maadaama aan 12 sanno ka dib markii uu ciidamaddiisa geeyay dalkaas aanay dhowr iyo labaatanka kun ee Askarta shisheeye ahi, awooddin inay hor joogsaddaan Madaafiicda kooxda Al-Shabaab marka ay doonto ku garaacdo caasimadda Muqdisho, meel kalleba ha joogto’e. Waana uu ka garaabay in aanay dawlad ahayn dhalanteedka ay ka dhoobdhoobeen Soomaaliya, waxaana uu hadda la yaaban yahay jawaabta kaga soo laabtay haddalkii uu ku iftiimiyay xaqiiqda Muqdisho uu ku hayo. Waxaa ku raacay maalin ka dib Madaxweynaha Eritrean Isaias Afewerki oo sheegay in aanay Soomaaliya dawlad la yidhaa jirin waqtigan.

Sidaas oo ay tahay madaxda Muqdisho lagu illaaliyaa arragtidaas ma qabaan waxaana ay aamineen beentoodii ama aan nidhaahno dhalanteedkii loogu sheegay dawladda in runta laga sheego ayay la yaabeen. Haa, waxaa ay isu arkaan dal iyo dawlad jirta, mar haddii dunnidu sidaas u aqoonsatayna in laga carqaladeeyo waa ay ka dagaalamayaan, waana sababtii ay dhawaan u eryeen Wakiilkii Qaramadda midoobay, maantana waxaa ay taagan yihiin waxaanu xidhiidhka u jarnay dawladda Uganda oo nagu xadgudubtay. Waxaa ku xigga Eritrea oo ay iyana ku raacday. Horena, waxaa looga taag la’aa Jamhuuriyadda Somaliland oo ay hadba qaydka lagu siddo inta ay iska soo tuuraan u bu’ayeen, iyaggoo malaha la maaggan Miciyo lagu sumeeyay baaruudda Amisom ileyn itaal kale ma laha’e.

Markaa, Akhriste murankan oo Qallinku ku suntay is xanbaar bal ka gar-naq oo midkee gar darran, kee ayaase gar leh. Marka aad dacwaddan furaysana xisaabta ku dar in aanu Farmaajo Uganda la’aaneed habeen u dhaxayn Muqdisho oo haddii ay maanta shaaciyaan inay ka baxayaan uu ka sii horaynayo. Sidoo kale, qorshaha ku dar in Qaramadda Midoobay sharciyan dawlad u taqaan maamulkan aan iskii isu taagi karrin oo ay indhaha ka daboolatay xaqiiqooyinka burrinaya taas. Waxaa kale, oo su’aal ah Somaliland oo had iyo jeer lagu jujuubo inay la hadasho dawlad loogu yeedho Soomaaliya, yay tahay in ay la dacwido ma ka la sido mise kan wax sida?

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply