Agaasimha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo ka Hadlay Qalliin Afrika Ku Cusub oo Markii Ugu Horraysay Laga Bilaabay Somaliland

0
617

Hargeysa (Dawan):- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Faarax (Xergeeye), ayaa ka war bixiyay qalliin Afrika ku cusub oo markii ugu horraysay laga bilaabay Somaliland, gaar ahaan cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Qallinkan oo ah qalliin noociisu dalka iyo qaaradaba ku cusub yahay oo ah qalliinka guur guura (Mobil Surgical Unit), ayaa ah mid lagu caawiyay Midawga Afrika oo ay wada jir ugu caawiyeen Maraykanka oo dhakhaatiirtu ay ka timi iyo gaadiidkan casriga ah ee qaaliga ah oo lagu farsameeyay dalalka Yurub waxaana laga fulinayaa dalal badan oo qaarada Afrika ah, iyada oo dalkii ugu horreeyay ee laga fuliyayna uu noqday Somaliland.

Agaasimaga guud ee horumarinta wasaaradda Caafimaadka Dr. Xergeeye oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan, ayaa sheegay in qalliinka laga bilaabay cisbitaalka guud ee caasimadda Hargeysa in uu yahay min qiime weyn u kordhinaya Somaliland isla markaana ka dhigaya Somaliland dalkii ugu horreeyay ee ay shaqada ka bilaabeen ee qaarada ku yaalla.

Agaasimaha oo faah faahin ka bixiyay qalliinkan oo ah mid casri ah oo lagu dul fulinayo gawaadhi waawayn oo tiyaatar qalliin leh oo qalabkoodu u dhan yahay, ayaa yidhi. “Horta qalliinkan waxaa loogu talo galay dalal badan oo qaarada Afrika ah waxaanay Somaliland noqotay dalkii ugu horreeyay ee ay qalliinka ka bilaabaan, waxaana fulinaya dhakhaatiir Maraykan ah qaliimada ay gelayaana waa qaliimada caadiga ah, waxaanay dalka joogayaan muddo shan cisho ah waxaanay bilaabeen shalay (dorraad) markaa Somaliland qiimo aad iyo aad u wayn ayay u leedahay oo ah in ay Somaliland noqotay dalkii ugu horreeyay ee ay qalliinka ka bilaabeen iyagoo aan wali gaadhin midawgii Afrika oo aan warbixinba siinin, warbixibta ugu horraysa ee ay bixinayaanna waxay noqonaysaa in ay ku bilaabaan in qalliinkii ugu horreeyay ay ka fuliyeen Somaliland oo ka mid ah dalalka qaarada loogu talo galay.”

Agaasimaha guud oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa ku daray. “Dhakhaatiirtani waxay wataan laba gaadhi oo wax waliba ay u dhan yihiin oo iyagu tiyaatarkii leh oo qaboojiyeyaashii leh oo qalliinka gudahooda lagu gelayo oo waxba aanay ka dhinnayn oo mid waliba dhawr milyan oo Dollar uu yahay markaa arrinta ah in labada gaadhi ee illaa xadkaa qiimahoodu uu yahay in Somaliland ay yimaadaan wax iska yimi maaha waa laga soo shaqeeyay waxaanay wasaaraddu u gashay dedaal aad u badan, waxaa kale oo si weyn uga soo shaqaysay oo aan halkan uga mahad celinayaa Dr. Edna Aadan iyo safaaradeena Jabuuti iyo dawladda Jabuuti lafteedaba, baabuurtaasi waxay ka soo degeen dalka Jabuuti, Jabuuti iyo Somaliland xadka ay wadaagaan ayay ka soo gudbeen illaa Hargeysana dhulka ayay soo mareen iyadoo aan kaareyaal iyo diyaarado midna aan lagu illaalinayn waxaana arrintaa suura geliyay dawladnimada Somaliland iyo ammaanka dalka ka jira oo ah mid lagu aamini karo hanti kasta oo qiime kasta leh. Taas ayaana sabab u ahayd in qalliinkaasi ka bilaabmo Cisbitaalka guud ee Hargeysa.”

Agaasimaha guud oo ka hadlayay dadka ka faa’iidaysanaya qalliinkan, ayaa yidhi. “Qalliinkan waxaa ka faa’iidaysnaya dadka u baahan qaliimadan waxaana hawshaa gacanta ku haya cisbitaalka guud ee Hargeysa.”

Agaasimaha guud oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in dadka danyarta ahi ka faa’iidaysan karaan qalliinkan, ayaa yidhi. “Horta ma jiro bukaan cisbitaalka dawladda ku jira ama soo gaadha oo qalliin lacag la’aan uga baaqday ama duruuf jeeb yaraan ah oo haysa loo qali waayay, dawladdu xil wayn ayay iska saartay bukaanka waxaana ugu badan ee cisbitaalka guud lagu qalaa waa dadka jilicsan ama danyarta ah oo inta ugu badan qalliinkoodu lacag la’aan yahay markaa imikana dadka jilicsani waa ka mid kuwa qalliinkan ka faa’iidaysanaya waxaanan kuu sheegayaa qofku marka uu bukaan yahay wuu jilicsan yahay hadduu jeeb weyn yahay iyo hadduu dan yar yahayba waana loo wada adeegaa waxaana mudnaanta la siiyaa hadba ka jilicsan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply