Gudida Qandaraasyada oo Gaadhi ku Wareejiyay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag

0
527

Ceerigaabo (Dawan)- Guddoomiyaha gudida qandaraasyadda qaranka Somaliland mudane Nuux Maxamed Xuseen ayaa Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro ku wareejiyay gaadhi ay ugu talo galeen degmadda Yubbe ee gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro, oo ka hadlay munaasibadii wareejinta gaadhigani ayaa madaxweynaha qaranka Somaliland uga mahad celiyay sida uu uga soo baxay ballanqaadkii uu u sameeyay ee aheyd in ay degmadda Yubbe gaadhi hesho.

Guddoomiyaha gudida qandaraasyadda qaranka Somaliland mudane Nuux Maxamed Xuseen oo isagu ugu horreyn goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi “Mudane guddoomiye maanta oo ay bishu tahay 5/2/2019 waxaa aanu kugu wareejineynaa anaga oo fulineyna amarkii madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland in loo iibiyo gaadhi degmadda Yube ee gobolka Sanaag anaga oo raacney nidaamkii qandaraasyadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland mudane gudoomiye naga gudoon”

Guddoomiyaha gobolka Sanaag mudane Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro ayaa masuuliyiinta degmadda Yubbe ee gobolka Sanaag kula dardaarmay inay xil iska saaraan sidii ay u ilaashan lahaayeen gaadhigan oo uu xusay inuu wax badan ka tari doono baahiyihi degmaddan, waxaanu yidhi “Mahad dhammaanteed Illaahey baa iska leh, mahada kale waxaa iska leh madaxweynaha fuliyay ballanqaadkii uu noo sameeyay, ee aheyd in degmadda Yube gaadhi loo iibiyo waanu ku mahadineynaa, waana horumarkii bar bilowgii degmadda oo muddo u xayirneyd gaadhigiina waxaa aan idinkula dardaarmaya inaad ku faro adeygtaan, hawlo badan ayuu idinka anfici doonaa, wixii idinka qabyo ahna aad ku qabsataan, imikana waxaan ku wareejin doonaa maayirka degmadda Yubbe oo isna halkan jooga”

Maayirka degmadda Yubbe Maxamed Axmed Xasan Gamayare oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa ka mahad celiyay gaadhiga degmadda loogu talo galay ee furihiisa lagu wareejiyay waxaanu yidhi “Illaahey ayaa mahad oo dhan iska leh, waxaa kale oo aanu u mahad celineynaa madaxweynahqa qaranka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi gaadhigii waakaasi oo waanu la wareegney waxaanu madaxweynuhu balanqaaday in wixii kale ee degmadda ka dhiman uu fulinayo, shaqada wanaagsan ee gudida qandaraasyadda qaranku qabteena waanu ku hanbalyeynayna, gudoomiyaha gobolka Sanaag oo isna si fiican noola shaqeeyay ayaanu halkan uga mahad celineynaa”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply