“Arrinka Xisbiyadu Waa Nin Dawee la Leeyahay Dambi uu Badh Leeyahay” Garyaqaan Aadan

0
129

“Inta aanan u gudbin dulucda iyo ujeedada warmurtiyeedkaygan, waxaan jeclahay inaan halkan uga mahad celiyo cid kasta iyo qof kasta oo kasoo qaybqaatay Nabadayntii, Taabogelintii Dimuqraadiyada iyo bilowgii habka Axsaabta badan iyo Doorashooyinka.

Haddii aan u soo gudbo ujeedada hadalkeena, waxa muddo ina haystay “XISBIYO AYAA WADA HADLAYA iyo HESHIISYO AY SOO SAARAAN”. Waxa ugu muhiimsan ee maanta ay ka hadlaan waa in la kala diro Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) iyo Saami Qaybsi KDQ iyo Shuruuc Qabyo ah.

Haddaba waxa isweydiin mudan in jawaab xalaal ah oo Sharci laga bixiyo Komishanku (KDQ) ma wuxuu u shaqeeyaa Saddexda Xisbi Qaran? Mise waa Hay’ad Qaran oo u Xilsaaran Hawlo Qaran iyo Caddaalad sugidda xili kasta oo doorasho? Arrimaha u baahan in Dadweynuhu xog badan iyo garsho u yeeshaan waxa ugu muhiimsan Qodobadan:

  1. Axsaabta wada xaajoonaysaa ma Khilaaf iyo Muran iyaga u dhexeeya ayey ka wada hadlaan, mise Arrimo Qaranimo oo Masuuliyadeeda Cid kale leedahay.
  2. Aduunka aynu ka midka nahay ma ka jiraan Komishan Doorasho oo Xisbiyo soo magacaabaan? Haddiise aanu Komishan Xisbiyo soo xulaan Adduunka kale aanu ka jirin Maxaa inaga Dalkeena keenay, Goormaase aynu ka gudbaynaa Komishan Doorasho oo Xisbiyo soo Xulaan?
  3. Haddii Axsaabta hada inoo jirtaa ay rabaan inuu habka xulista sii jiro, ama tirada xubnaha KDQ la badiyo, Diyaar ma u yihiin in tirada iyo xulista lala sugo xiliga la furi doono Ururada Siyaasadda (Political Associtions) oo ah xiliga ugu culus uguna xasaasisan ee doorasho la qabto.
  4. Saddexda Xisbi ma waxay wakhti iyo wada hadal ku lumiyaan Xil iyo Mas’uuliyad aanay lahayn, mise waxa la gudboon inay ka wada hadlaan kana tallo bixiyaan sidii loo dhamaystiri lahaa wixii Qabyo tir u baahan ee la xidhiidha Hawlaha Doorashada ee KDQ u xilsaaran yahay, oo ay ka mid yihiin sida:
  5. a) Goobo Doorasho oo loogu tallo galo Dhulka iyo Deegaamada Maamulku gaadhay oo aanay Doorasho hore ka qabsoomin;
  6. b) Magaalooyinka waaweyn oo si baaxad leh u fiday una baahan in loo helo goobo codbixineed oo cusub oo badan;
  7. c) Tuulooyin iyo Deegaamo barro-Kacayaal badan la dejiyey oo dhismay una baahan goobo codbixineed;
  8. d) Bixintii Kaadhka Cod-bixinta oo la siiyo cidii hore isu diwaangelisay ee aan qaadan Kaadhka iyo Qof kasta oo xaq u leh una diyaar ah inuu qaato Kaadhka Cod-bixinta;
  9. e) Sida loo soo xulayo Dad wax tar u leh Dalka iyo Dadka xili kasta oo Doorasho.
  10. Waxa haboon Dadweynuhu inay weydiiyaan saddexda Xisbi Qaran socdaalkoodii u dambeeyey ee ay ku tageen Nairobi, KENYA bishii Oktoobar 14, 2018 wixii ay la soo noqdeen.

Haddaan in yar ka iftiimiyo socdaalka saddexda Xisbi ciddii metelaysay, waxay kula kulmeen Nairobi Komishanka Doorashooyinka Dalka KENYA oo Madaxweynuhu soo magacaabo Goluhuna Ansixiyo. Waxay la kulmeen oo kale xubno metela Axsaabta KENYA oo ka kooban 61 Xisbi, kuwaasoo uga waramay habka loo doorto Komishanka Kenya, iyo inay leeyihiin Xafiis (madal) ay ku xaliyaan Khilaafaadka iyo Muran dhexdooda ka dhaca.

GABAGABO:

Anigoo Aaminsan dariiqada Sharciga ah ee Komishanka Doorashooyin lagu dhisaa inay tahay Waajibaadka iyo Awoodda Madaxweynaha Dalka, maadaama Komishanku yahay Hay’ad Dawladeed Hawlo Qarana u xilsaaran yihiin lana mid yihiin Hay’adaha Qaran ee Dalka ee uu soo magacaabo Madaxweyne Golena Ansixiyo.

Haddaba, waxaan usoo jeedinayaa kuna marti gelinayaa Aqoon yahan kasta, Oday Dhaqameed, Dhalinyarada iyo Shacabkoo dhan inay ila akhriyaan ila eegaan Qodobadan Dastuuriga ah iyo Nuxurka ay Xambaarsan yihiin.

Awoodda iyo Karaamada Qaran wuxuu Shacabku u igmaday Dawladda ka jirta Dalka sida ku cad Qod. 37(1) ee Dastuurka JSL oo u dhigan sidan:

“Eebaha Ummadda Somaliland ku beeray geyigan, waxa uu ugu deeqay Awood iyo Karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Awooddaas iyo Karamadaas u igmaday Dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Diinta iyo Dastuurka”.

Dawladda oo ka kooban Fulinta, Xeer-dejinta iyo Garsoorka ayaa Masuul ka ah ilaalinta Xuquuqda Muwaadinka ee heer kasta sida ku cad:

Qod. 25(3) ee Dastuurka JSL “Dawladda aya Muwaadiniinta u Dammaanad qaadaysa Xuquuqda iyo Xorriyadaha”

Qod. 25(4) ee Dastuurka JSL “Dhammaan Xoriyaadka Qofka waxa shardi ah in aanay ka hor imaan Xeerarka anshaxa guud, Xasiloonida Dalka ama Xuquuqda Qofka kale”.

Qod. 38(1) ee Dastuurka JSL “Awoodda xeer-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay gaar u tahay Baarlamaanka oo ka kooban labada Gole oo kala ah Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida. Xilka Xeer-dejintu uma wareegi karo cid ka baxsan Baarlamaanka”.

Qodobadaa Dastuuriga ah ee kor aan ku xusnay waxaad la akhridaa Qodobada 90aad, 113aad, iyo 114aad ee Dastuurka JSL oo iyaguba si cad u qeexaya Awoodda Madaxweynaha iyo magacaabista Hay’adaha madaxa bannaan.

Marka aynu Tixgelinayno dhismaha iyo adkaynta Dawladnimo, markaynu ilaalinayno dhaqan gelinta Dastuurka, xageebay kaga jiraan oo ay ka soo gelayaan Xisbiyadan inoo Shiraa ee Awoodda iyo saamaynta aany xaqa u lahayn inagu yeeshay?! Lama diidana Xisbi, Ururo iyo cid kasta oo soo jeedinaysa Tallo iyo Tilmaamo wax tar u leh Dalka iyo Dadkan ku dhaqan.

  1. Arrinta SAAMI-QAYBSIGA waxa Ajande ka dhigta cid kasta oo aan doonayn inay Doorasho Qabsoonto, kuwo ay wax ka gedman yihiin iyo Qolooyin raba inay Somaliland isku xidhnaanteeda Dhul ahaaneed iyo Dad ahaaneed burbur iyo fur-furan ku yimaado. Waxay hilmaansan yihiin labadii Qodob ee lagu Heshiiyey xiligii la sameeyey Xeerkii Doorashooyinka Golaha wakiilada 2002 horteed oo ahaa (1) Saami-Qaybsi la helo marka Maamulka Xukuumadu dalka wada Gaadho. (2) Isla markaana Tirakoob la qaado. Waxa kale oo Qoladan Ajandaha ka dhiganaysa SAAMI-QAYSIGA waxay ka soo horjeedaan jirtaanka Somaliland iyo isku xidhnaanteeda Dal ahaan, Dad ahaan iyo Xuquuqaha sida ku xusan Qodobada 1aad, 2aad, 127aad ee Dastuurka JSL.

DUCO: Illaahow naga Salaamadyeel Col Dibadeed iyo Cadaawad Gudahayaga ah, AAMIIN, AAMIIN.”

Dawannews Hargeysa office

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here