Agaamisaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha oo ka Hadlay Waxyaabahii u Qabsoomay iyo Qorshahah Yoolka u ah

0
599

Hargeysa(Dawan):- Agaasimaha guud ee wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xuseen Dhabbeeye, ayaa ka war bixiyay waxyaabaha u qabsoomay iyo qorsheyaasha wasaaraddiisa yoolka u ah ee ay doonayaan in ay ku tallaabsadaan oo ay ka mid tahay in dhammaan bulshada reer Somaliland la baro shuruucda dalka oo uu ugu horreeyo dastuurka Somaliland.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in ay gobolada dalka ka hir geliyeen xarumihii wasaaradda oo hadda shaqaynaya isla markaana hawl galay. Xarumahaas oo durba ka qayb qaadanaya faafinta dastuurka Somaliland oo wasaaraddu hadda ku hawlan tahay gaadhsiinta bulshada qaybaheeda kala duwan.

Waxa kale oo uu faah faahin ka bixiyay sannadkii dhammaaday sida ay u wada shaqeeyeen laamaha dawladda ee fulinta iyo sharci dejinta oo sannadkii dhammaaday ee 2018-kii uu noqday sannadkii ay goleyaasha sharci dejintu ugu wax soo saarka badnaayeen, isla markaana sharciyo badan oo ay soo saareen ay xukuumadduna dhaqan gelisay.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Dawan, ugu horrayn agaasimaha guud oo ka hadlayay waxyaanaha ugu waawayn ee u qabsoomay wasaaraddiisa, waxaa uu yidhi. “Wasaaraddu runtii muddo way jirtay laakiin intii muddo ahayd waxaanu wadnay dib u habayntii wasaaradda iyo xaruntii ay ku shaqayn lahayd oo aanu dib u habayn ku wadnay iyo kor u qaadista tayadda shaqaalaha wasaaradda, markaanu taa dhammaynayna waxaanu u gudubnay in dadka sharciga iyo waddaniyadda la baro oo dadka reer Somaliland ay noqdaan dad yaqaana dastuurka Somaliland, iyada oo laga duulayo arrimihii uu madaxweynaha qaranku ololaha ku galay oo ay ka mid ahayd sarraynta sharciga, taas oo uu madaxweynuhuna muhiimad gaar ah siiyay oo uu dastuurka ku daray wasaaradda,taas oo ahayd waxyaabihii KULMIYE ololaha ku galay ee uu dadka codka kaga helay. Sarraynta sharciguna waa mudnaanta koobaad ee xukuumadda. Markaa waxaynu muddadii ay Somaliland jirtay aynu aad ugu hawlananyn oo aynu tacab badan galinay dib u dhiska dalka laakiin waxaynu u baahanahay in aynu dadkana dhisno oo aynu soo saarno dad muwaadinnimada ku suntan oo dal jacayl ku barbaara oo garanaya waajibaadka qaran ee saaran iyo xuquuqda ay leeyihiin, waxaannu wadnaa in horta dadka la baro dastuurkooda, taas oo aanu u wadno dharw qaab oo kala duwan oo ah in horta warbaahinta lagu faafiyo iyadoo aanu uga mahad naqayno Wargayska Dawan oo bilaabay, waxa kale oo aanu ka bilaabaynaa radyaw Hargeysa iyo TV-ga qaranka oo labadaba laga faafin doono, waxaa kale oo noo qorshaysan in manhakja waxbarashada lagu daro Dastuurka Somaliland taas oo aanu ka wada shaqaynayno wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska.”

Agaasimaha guud oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa raaciyay in loo baahan yahay in la helo bulsho sharci yaqaan ah, taasinan ay dawo u tahay wax wada qabsiga iyo wada jirka, waxaanu yidhi. “Markaynu soo saarno dad dugsiyada aynu ku soo ababinay oo sharciga dalka aynu soo barnay oo garanaya xuquuqda uu leeyahay iyo waajibaadka saaran, ayaynu noqonaynaa dad halka ay u socdaan garanaya, laakiin haddii ay dawladda oo keliyi is tidhaahdo wax wanaaji waxba ma wanaajin karto dawladda oo keliyi, laakiin marka dawlad iyo dad wada sharci yaqaan ahi ay isla jaan qaadaan waxaa soo baxaya wada shaqayn wanaagsan.

Tusaale ahaan marka aynu iskuulada ka soo saarno sharci yaqaano dugsiyada ku soo bartay sharciga ee ay qaarna noqdaan boolis, qaarna noqdaan ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada waxaa soo baxaya in boolisku si wanaagsan u shaqeeyo oo uu sharciga ku shaqeeyo oo booliska iyo dadweynaha oo saaxiib ahi ay iskaashadaan laakiin haddaynaan boolis iyo shicib midnaba aanu dastuurka dalkiisa waxba ka garanayn kacaa kufka ayaa badanaya.”

Agaasimaha guud oo ka hadlayay dadka oo sharciga bartaa sida ay u keenayso wada xisaabtan sax ah iyo sida ay xukuumad ahaan diyaarka ugu yihiin in lagula xisaabtamo hawlaha ay qaranka u hayaan, ayaa yidhi. “Horta imikaba dadku intaaba way hadlayaan oo xisaabtan ayay wadaan laakiin xisaabtan qaldan oo dariiqii ka lunsan yahay ayay ku mashquuleen, Sharcigana meelna kagama jirto beel iyo reer hebel xuquuq ay leeyihiin laakiin muwaadinka xuquuqdiisa ayaa ku cad. Diyaarna waanu u nahay in sida saxda ah naloola xisaabtamo dadkuna ay bartaan shuruucda dalka iyo waajibaadka saaran oo ay noqdaan dad garanaya waddaniyadda ama muwaadinnimadu waxa ay tahay oo aaminsan dalkooda oo la xisaabtami kara masuulka xilka u haya, isla markaana garanaya masuulka ay dirteen waxa laga doonayo, laakiin inta aan dadkeenu dalkooda aaminin ee ay raadinayaan xaq reer hebel wali waxbaa innaga qaldan. Taasina waa ta keentay in aanu u soo jeedsano in dadka sharciga la baro oo uu qofka muwaadinka ahi ogaado sarraynta sharciga iyo waajibaadka saaran oo uu bixiyo cashuurta ku waajibtay oo qofka shaqaalaha ahi uu garto waajibaadka shaqo ee saaran iyo adeegga uu dadka iyo dalka u hayo.”

Ugu dambayn waxaa uu ka hadlay sannadkii dhammaaday iyo hannaanka ay u wada shaqeeyeen laamaha dawladda gaar ahaan xukuumadda iyo sharci dejintu, waxaanu yidhi. “Sannadkii hadda dhammaaday waxaa uu ahaa sannadkii ay ugu wanaagsanayd wada shaqaynta xukuumadda iyo sharci dejintu, taasina waxay sababtay in labada gole ee guurtida iyo wakiiladu  ay noqdeen sannadkii ay ugu wax soo saarka badnaayeen intii ay jirtay Somaliland oo ay soo saareen xeerarkii ugu badnaa iyadoo madaxweynaha qarankuna uu sidii ugu wanaagsanayd ka yeelay xeerarkii dalka u soo baxay oo uu dhaqan geliyay, wasaaradduna waxyaabaha ay ka shaqayso ayay ka mid tahay isku xidhka laamaha dawladda oo ay qaranka u qaabilsan tahay.” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo u warramayay wargaeyska Dawan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply