Raysal Wasaaraha Jabuuti oo Qaabilay Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland

0
550

Jabuuti (Dawan)- Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo uu ku weheliyo wasiirka qorshaynta qaranka Cawaale Ibraahin Shirwac oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa dalka jamuuriyada Jabuuti ayaa shalay la kulmay raysal wasaaraha Jamuuriyada Jabuuti Abdiqaadir Kaamil Maxamed, iyo wasiirrada khayraadka Biyaha iyo ciyaaraha ee dawlada Jabuuti.

Kulankani oo nuxurkiisu daarranaa sidii labada dal ee Jamuuriyada Somaliland iyo Jamuuriyada Jabuuti ay uga wada shaqayn lahayeen dhanka Iskaashiga geeska, amniga iyo waliba xoojinta xidhiidhka labada dal.

Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyada Somaliland Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo waftiga hogaaminayey ayaa sheegay in ay labada dal ay yihiin laba dal oo walaalo ah taasina ay keentay in ay kulamadan ay la yeelanayaan madaxda sar sare ee Jamuuriyada Jabuuti ay bud-dhig u tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply