“Madaxweynuhu Wuxuu u Dhaartay Inuu Qarankan u Hiiliyo Cid Uga Lexo-jeclo Badanina Majirto Dalka” Eng. Dayr

0
712

Hargaysa (Dawan)- Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige Xuseen Dayr ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun oo si qaawan u weeraray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xuseen Aadan Cige Deyr oo shalay la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxa uu gef iyo meel ka dhac ku tilmaamay hadallo dhawaan ka soo yeedhay afhayeenka xisbiga Waddani, waxaanu xusay in aanu Barkhad Batuun xaq u lahayn in uu ku xad gudbo shakhsiyada madaxweynaha.

Xuseen Aadan Cige oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mucaaradku shakhsiyada Madaxweynaha in ay dhaliilaan xaq uma laha, waxa aan u arkaa gef iyo meel ka dhac iyo xadgudub uu ku ka cay Barkhad Batuun, waa ceeb iyo meel ka dhac in uu yidhaahdo madaxweynaha maskaxdiisa waxa ku jira hanti urursi, waana aflagaado qaawan.

Kubadda marka la ciyaarayo maaha in nin ka aad laagto ee waa in aad kubada laagto. Madaxweynuhu waa astaanta qaranka waxaana aan cadaynayaa in aanu jirin nin uga lexo jeclo badan qaranka Somaliland madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu og yahay heerarkii iyo taariikhda ay Somaliland soo martay, markaa gef ayaan u arkaa in xisbiga mucaaradka ah ee Waddani madaxweynaha sidaa u ee deeyaan.”

Xuseen Deyr, waxa uu sheegay in himilada iyo higsiga madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay tahay mid ku salaysan horumarka iyo taabbo gelinta qarankan, waxaanu yidhi “Himilada madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa weeyaan sidii ummaddu horumar u gaadhsiin lahaa, iyo wadajirka ummadda sidii loo ilaalin lahaa, madaxweynuhu waxa uu u joogaa inuu u hiiliyo qaranka Somaliland. Madaxweynuhu xilka qaranka umuu qaban inuu ka hodmo laakiin wuxuu u dhaartay inuu umadda u hiiliyo”.

Sidoo kale Xuseen Deyr waxa uu beeniyay in 80 milyan oo doolar oo dayn ah ay wareejisay xukuumadii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Waxaana uu yidhi “Marka aad sheegayso war intaas leeg oo aad bulshada u soo bandhigayso in xukuumadii madaxweyne Siilaanyo ka tagtay ama wareejisay lacag 80 milyan oo dayn ah oo intaas leeg waxa lagama maarmaan ah in aad soo bandhigto cadaymihii lagu helay in dayn intaas leeg la wareejiyay, markaa misaaniyada Somaliland marka loo qaybiyo afar meelood waa meel ahaan mana jirto 80 milyan oo doolar oo ay xukuumadii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku wareejisay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sida mucaaradku sheegayaan. Majirto waana wax ka fog caqliga”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply