Wasiirka Beeraha oo Turkiga Kula Kulmay Madaxa Shirkadda OPELPIVOT

0
649

Konyo (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo hawlo shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa gobolka Koonyo kula kulmay madaxa shirka OPELPIVOT oo soo saarta agabka wax soo saarka iyo waraabka beeraha ahna guddoomiyaha rugta ganacsiga ee gobolka Koonyo ee dalka Turkiga.

Wasiir Seed oo khadka telefoonka ugu warramay Wargeyska Dawan ayaa ka warbixyey waxyaabaha ay ka wada hadleen Guddoomiyaha rugta ganacsiga ee gobolka Koonyo ee dalka Turkiga, waxaanu yidhi “Waxa annu guddoomiyaha rugta ganacsiga ee gobolka aanu ka wada hadlaynay qorsha sahlaaya wax soo saarka beeraha sida raashinka iyo khudaarta, waxaanu isla garanay in ay tababar noo siiyaan dhallinayarada Wasaaradda beeraha oo ay masuuliyadooda qaadayaan si aqoonta ay bartaan ay dalka wax ugu qabtaan waxana kaga bedelaan nidaamka wax soo saar ee dalka.”

Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in hadda ay ku sugan yihiin gobolka ugu ballaadhan dhinaca wax soo saarka beeraha iyo waraabka ee dalka Turkiga waxaanu yidhi “Waxa aanu turkiga u nimid in aanu ka soo qayb galno carwada caalamiga ah ee wax soo saarka ee lagu qabtay magaalada Esmir. Markii labaadna waxa aanu nimi magaalada koonyo oo ah magaalo qadiimi ku ah wax soo saarka beeraha sida khudaarta iyo raashinka kala duwan. Sidaas darteed maadaama Somaliland u dhaqaaqday dhinicii wax soo saarka oo aanu doonayno in aanu wax ka bedelno wax soosaarka dalka in aanu ka helo qalabka wax soo saarka oo ay u diraan waddamo badan oo ka mid ah Afrika , Aasiya iyo Yurub”

Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland ayaa sheegay in dhammaan qorshaha ay ugu baahnaayeen madaxa shirkada OPELPIVOT ahna guddoomiyaha rugta ganacsiga ee gobolka Koonyo uu ku soo dhammaaday is afgarad iyo jawi wada shaqayneed .

Wasiirku waxa uu Wargeyska u sheegay in uu indhihiisa ku soo arkay dhul baareedka ugu ballaadhan ee dalka Turkiga kaasi oo ay ka soo heleen siro u gaar ah xirfada wax soo saarka iyo waraabka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply