Guddoomiyaha Qaban-qaabada Shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE oo Ka Hadlay Diyaar Garawga Shirka

0
611

Boorama (Dawan):- Guddoomiyaha qaban-qaabada shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE mudane Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa ka warbixiyay halka ay u marayso qaban-qaabada shirweynaha lixaad ee golaha dhexe ee xisbi xaakimka Somaliland ee Kulmiye oo lagu qabanayo xarunta gobolka Awdal ee Boorama.

Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu sheegay in hadda qabanqaabada shirku meel wanaagsan ay mareyso, islamarkaana ay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ku soo qulqulayaan ergooyin kala duwan oo ka qaybgeli doona shirkaasi.

Cabdirashiid Xasan Mataan isaga oo arrimahaa si faahfaahsan uga hadlayayna waxa uu yidhi “Sidaad la socotaan waxaa xisbiga taladda dalka haya ee KULMIYE hore u shaaciyay, in shrkii golaha dhexe ee lixaad ee xisbiga in lagu qaban doono magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa socday qaban-qaabadii shirka golaha dhexe.”

Sidoo kale gudoomiye Cabddirashiid waxa uu tilmaamay in illaa hada hawluhu si wanaagsan ay u socdaan waxaanu yidhi “Magaalada Hargeysa waxaa ka bilaabmey diiwaangelintii golaha dhexe iyo kaadh qaadashadii, halkana saaka (shalay) waxaa noogu yimi xubno ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee xisbiga, si aanu u diyaargarowno iyo qaban-qaabadii shirka golaha dhexe aanu halkan uga bilowno, taasi oo socon doonta illaa maalinta uu shirku furmi doono Insha Allah haddii ALLE idmo, illaa 23/2/2019, illaa haddana si fiican ayuu u socdaa diyaar garowgu, ALLENA waxaan ka rejeynaynaa inuu shir wanaagsan oo qurux badan inuu noqdo, si habsami lehna u soo dhammaado.”

Waxaanu intaa raaciyay in ay u diyaar garoobayaan sidii ay ergooyinka shirka ka qayb gelya ugu diyaarin lahaayeen meelihii ay dejin lahaayeen, waxaanu yidhi “Ergooyin badan ayaa iman doona magaaladda haddii ALLE idmana waxaanu ku dadaaleynaa in aanu diyaarino dejinta ergooyinkaasi kala duwan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply