Barnaamijka Casriyeynta Caasimadda iyo Doorka Nootayooyinka oo la Daaf-huray

0
863

Hargeysa (Dawan)- Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa laga daah-furay barnaamijka casriyeynta caasimadda iyo doorka Nootayooyinka .

Masuuliyinta ha’yadda GIS, Wasiirka wasaarada Caddaaladda, ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, maayir ku xigeenka Caasimadda iyo masuuliyin kale ayaa ka qayb galay munaasibad loo qabtay furitaanka barnaamijka casriyeynta caasimadda iyo doorka notaayooyinka, waxaanay xuseen in nidaamkani uu cadaynaayo mulkiyadaha guryaha iyo goobaha ay ku yaalan oo si casriya loogu diwaan geliyey khariiradda magaalada Hargeysa .

Guddoomiyaha barnaamijka casriyeynta caasimadda Hargeysa Eng: Ibraahim ayaa sharraxay nidaamka isku xidhaaya notayoooyinka iyo GIS-ka casriga ah ee caasimadda, waxaana uu yidhi “Barnaamijkan casriga ah waxa aynu eegaynaa waxa uu u tarayo nootoyooyinka, bulshada, dawladda hoose iyo dawladda dhexe.

Notaayooyinka waxa looga baahan yahay in ay isticmaalan nidaamka casriga ah ee lagu shaqeeyo.”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa iftiimiyey kaalinta ay nootayooyinku ku leeyihiin bulshada, waxaana uu yidhi “Xil weyn ayaa idinka saaran hantida ummadda ee liiska laydinku siiyey oo ahayd waxa ay ummadda ugu adeegyado dawladdu. Barnaamijku waxa uu inoo dhib yaraynayaa in cid kasta oo hawshaas ku jirta aynu helno”

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Cateeyee ayaa maamulka dawladda hoose ee Hargeysa ugu mahadnaqay barnaamijka ay soo diyaariyeen, waxaanu xusay in wasaaradda caddaaladdu kala shaqayn doonto barnaamijka casriyeynta caasimadda Hargeysa, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa ee barnaamijkan diyaariyey waan uga mahadnaqaynaa , waxaan u ballan qadaynaa dawladda hoose ee Hargeysa in aanu ka caawinayno oo kala shaqaynayo barnaamijka casriyeynta caasimadda iyo doorka nootayooyinka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply