Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland oo Qabtay Shirweynaha Daneeyayaasha

0
836

Hargeysa (Dawan)- Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ayaa ku qabtay magaaladda Hargeysa Shirweynaha Daneeyayaasha ee Badhtamaha Muddo Xileedkooda, kaas oo ujeedkiisu ahaa sidii ay u soo ban-dhigi lahaayeen wax-qabadkii ay la yimaadeen Badhtamaha muddo xileedkooda iyo sidoo kale qorshayaasha wax-qabad ee ay doonayaan inay qabtaan inta uga dhimman muddo xileedkooda.

Shirweynahan oo ka qabsoomay Hoolka xarunta Dallada dhallinyarada heer qaran ee SONYO, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Yuusuf Maxamed Mire Boos, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, Guddoomiyaha Dallada dhallinyarada heer qaran ee SONYO Mr. Cabdicasiis Siciid Saalax, Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Mr. Maxamed Nuux Jibriil, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Xisbiga KULMIYE Mr. Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi, Hoggaanka Xidhiidhka Kubadda Cagta, Shirkaddaha dalka, qaar ka mid ah Isu-duwayaasha Wasaaradda Ciyaarha ee Gobollada, Masuuliyiinta Xidhiidhada ciyaaraha, Guddoomiyeyaasha iyo ciyaartoyda naadiyadda, Khubaradda ciyaaraha iyo marti-sharaf.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Xoghayaha Guud ee Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL Mr. Samatar Maxamed Cabdilaahi, waxaana uu ka war-bixiyey wax-qabadkii ay la yimaadeen Badhtamaha muddo xileedkooda waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland muddadii labadda sanno ahayd ee uu shaqeynayay waxa ugu weyn ee u qabsoomay ee aan ka xusi karaa waxaa ka mid ah, nidaamka shuruucda ee kala Kala-wareega ciyaartoyda oo sannadkii laba wakhti ah, baahinta tooska ah ee tartamadda aanu qabanay, tababaro macalimiinta iyo garsoorka ah, tartankii koobka XKCSL oo ay 29 naadi ka qeyb-galay kaas oo ahaa markii koowaad ee noociisa ah lagu qabto guud ahaanba deegaanadda Soomaalidu dagto. Runtii waxaan ku dhiiranay inaanu wada gaadshiino shaqadda gobollada kale, waxaanu tartan ka qabanay magaaladda Borama sidoo kale waxaanu dalka ku so dhaweynay wafti ka socday xidhiidhka kubadda cagta Afrika ee CAF”.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinayarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Boos Mire Maxamed oo furay shirweynahan ayaa ku boggaadiyay Xidhiidhka Kubadda Cagta inay soo qaban-qaabiyaan shirkan oo uu ku tilmaamay mid faa’ido weyn leh, waxaana uu sidoo kale tilmaamay inay tahay talaabo ku dayasho mudan in Xidhiidhka Kubadda Cagtu uu soo ban-dhigo wax-qabadkii ay la yimaadeen Badhtamaha muddo xileedkooda sidoo kalena ay sheegaan qorshahooga wax-qabad ee inta uga hadhsan muddo xileedkooda.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo ban-dhigay sida ciyaaraha kala duwan lagu horumarin karo, waxaana uu Xidhiidhka Kubadda Cagta ku tilmaamay mid aqoon buuxda u leh shaqadda ay hayaan iyo nidaamka hiigsi ee ay hiigsanayaan, isaga oo sidoo kale ku boggaadiyay sida ay ugu dhiiradeen inay qaab la xisaabtan ah ay uu soo qorsheeyeen shirweynahan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), oo hore uga ahaa Agaasime Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa isna ka hadlay shirweynahan, waxaana uu dul-istaagay doorkii uu ku lahaa dhisidda Xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha isaga oo hoosta ka xariiqay inuu Wasaaradda Ciyaaraha loo magacaabay iyaga oo aanay jirin xidhiidhadu, isaga oo dhanka kalena Xidhiidhka Kubadda Cagta ugu baaqay inay dedaal la yimaadaan.

Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Xisbiga KULMIYE Mr. Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi, Guddoomiyaha Dallada dhallinyarada heer qaran ee SONYO Mr. Cabdicasiis Siciid Saalax, Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Koleyga, Xoghayaha Guud ee Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud, Xoghayihii Guud ee hore ee Xidhiidhka Kubadda Cagta, Mareeye ku-xigeenka shirkadda socdaalka ee Barri iyo Galbeed oo dhammaantood shirkan ka hadlay ayaa Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ku boggaadiyey qabsoomidda shirkan iyo inay ku soo ban-dhigaan wixii u qabsoomay iyo qorshahooda wax-qabad ee inta muddada xilkooda uga hadhay.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Mr. Maxamed-Amiin Cabdi Dixood ayaa hadal dheer oo uu ka jeediyay shirweynahan waxa uu ku soo ban-dhigay qorshayaasha wax-qabad ee Xidhiidh ahaan muddo xileedkooda uga hadhay, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Runtii anaga oo ka duulayna inaanu hiigsano nidaamka xidhiidhada kubadda cagta ee dunida ka dhisan u shaqeeyaan waxaanu ka xidhiidh ahaan ugu waa weyn wax-qabadkayaga muddada labada sanno ah ee muddo xileedkayaga nooga hadhay waa in Horyaalka heerka koowaad ee dalka iyo heerarka labaad iyo saddexaad aanu qabano, taas oo runtii ah markii koowaad ee dalka laga qabto waanuna ku rajo weynahay. Qorshaha waxaa kale oo noogu jira in dalkeenu uu yeesho xulka qaranka taas oo ay inaga xigto horyaaladda kala duwan ee dalka in la qabto, waxa kale oo aan xusi karaa hiigsigayaga wax-qabad ee aanu ku tallo-jirno waa sidii Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland uu uga mid noqon lahaa ama uu heli lahaa xubinimadda xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA.”

Gaba-gabaddii waxaa shirkan soo gunnaanaday Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mr. Maxamed Nuux Jibriil, waxaana uu ku dheeraaday wada-shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Xidhiidhka Kubadda Cagta uu yahay mid aad u wanaagsan, dhanka kalena waxa uu ku boggaadiyay Xidhiidhka Kubadda Cagta Shirweynahan ay soo qaban-qaabiyeen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply