Xukuumadda oo Ka Jawaabtay Digniin Kasoo Baxday Dowladda Britain

0
664

Hargeysa (Dawan)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka hadlay digniin ay dawladda Britain u dirtay dadka u dhashay dalkeeda ee ku nool Somaliland, taas oo lagu sheegay in ay jiraan xaalado ammaan oo ku soo wajahan deegaannada Somaliland, waxaanu sheegay in dawladda Britain ay iskaga khaldantay Somaliland iyo Soomaaliya .

Maxamed Muuse Diiriye oo shalay warbaahinta kula hadlayey Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in deegaanada Somaliland ay yihiin dhul xasiloon oo ammaan ah, waxaanu yidhi “Qoraalka dowladda Ingiriisku soo saartay iyada ayey khusaysaa, laakiin dalka wax nabadgelyo darro ah oo ka jiraa ma jirto, la yaab ma leh oo todobaadkii walba marka qarax Xamar ka dhacayo in ay dadkeeda u digto kulamaan yaabin ee xaggeena kolay odayaashu way ina raciyeen, Hargeysa iyo Berbera mooyaane.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa dawladda Britain ugu baaqay in ay kala garato Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana uu yidhi “Dowladda Britain waxa aan leeyaha hadda laba dal ayaanu kala nahay Soomaaliya ee digniintiina ka yara fiirsada.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply