WEEDHA WARGEYSKA Ma Dan Guud Mise Mid Gaarahaaneed?

0
126

Dalalka ku dhaqma nidaamka Xisbiyada badan, waxa loo sameystay in xilliga la gaadho u tartanka jagada hoggaaminta dalka uu Xisbi kastaa soo bandhigo barnaamijka siyaasadeed ee uu doonayo inuu ku gaadho ujeeddooyinkiisa, muwaadiniinta codbixiyayaasha ahna waxa waajib ku ah in qof walba si fiican iskii uga bogto barnaamijyada siyaasadeedka axsaabta ku tartameysa codadkooda.

Waxa kale oo loo baahan yahay in caadifad oo dhan nooc kasta oo ay tahay inay dhinac iska dhigaan waqtiga doorashada, hadday caadifaddaadu tahay mid reernimo, mid daneysi, mid saaxiibnimo iyo tu kale toona, dhammaantood waa biyo col-dhaanshay, waayo haddiiba uu ku guuleysto musharrixii aad beelnimada ku taageertay, ogow in maalinta uu kursiga ku fadhiisto ay kuugu dembeyn doonto la kulankiisa, caqli galna maaha, mana jiri karo hoggaamiye reerkooda wax u wada qabanaya ama wax wada siinaya dhammaan intii ugu codeysay danahooda gaar ahaaneed.

Dunida soo koreysa waxa la degay oo ay uga dembeeyaan dunida inteeda kale, waxa u sabab ah oo ay ku laxaad iyo indho-beeleen, uguna wacan saboolnimada iyo dawarada barriinsatay waa dhuuni-raacnimada iyo u xusul-duubka raadinta danta gaarka ah. Marka la fahmo ee bulshada inteeda ugu badani gartaan in illaa danta guud loo wada guntado aan la gaadhi Karin wax horumar ah.

Sidaa darteed waa in muwaadiniintu kula xisaabtamaan cid kasta oo ay xilka hoggaanka dalka u dhiibtaan fulinta ballanqaadyadii ku xardhanaa barnaamij siyaasadeedkii uu soo bandhigay ee ay ku doorteen, una horseeday inuu ku fadhiisto kursiga talada dalka laga hago, haseyeeshee haddii mar walba lagu aflagaadeeyo waxba ma qadhiidhayo oo duqey, dhallinyaro, waayeel iyo afmiishaar midna wax uma dhiibayo, kii kuwaa qaydhiinka ugu qeybinayana aan berri ku caayeyno irbad dun ma gelin muddadii uu joogay dee markaa, waa kee ka innaga nabadgalyaa?

Imika Xisbiga Kulmiye waqtigii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi musharraxa u tartamayey Xisbiga, waxa ay soo bandhigeen barnaamij siyaasadeed ay bulshada reer Somaliland ku doonayeen inay ku kasbadaan codkooda, taa beddelkeedana uu ballanqaadkoodu ahaa, wax ka qabashada beylahda badan ee qabyada ah ee ka jira dalka, kuwaas oo isugu jira kuwa Bulsho, dhaqaale, siyaasad iyo dhaqanba. Waxa ugu mudnaa oo aan ka soo qaadanaynaa ballanqaadyadii, wax ka qabashada shaqo la’aanta, gaar ahaana dhallinyarada kasoo baxay Jaamacadaha, Caafimaadka, Waxbarashada, kordhinta wax soo saarka dalka, in dhammaan wixii qandaraasyo Qaran ah la baahiyo, si caddaalad ahna ugu tartamaan muwaadiniintu, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida dawladda.

Haddaba, iyadoo haatan muddo sannad iyo laba bilood oo kaliya kasoo wareegeen waqtigii uu Xilka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi aan la xisaabtannee qof kasta oo aan maankiisa lala lahaynow qaado qallin iyo warqad, adigoo miyirkaaga iyo maankaaga qabana qabo wixii aan xaqiiqo ahayn ee halkan hoose aad ka akhrisan doonto ee laga fuliyey ballanqaadyadii Xisbal Xaakinka Kulmiye.

  1. Madaxweynayaashii ka horreeyey Madaxweyne Muuse Biixi, weli midna kuma dhiiran inuu sameeyo ballanqaad shaqo abuur ah, balse isagoo fulinaya mid ka mida ballanqaadyadii uu ku guuleystay Xisbigiisu, waxa uu ku dhawaaqay oo uu fuliyey, barnaamijka shaqo Qaran, kaas oo durba la qaatay 1,500 [Kun iyo shan boqol] ka mida dhallinyarada shaqo laawayaasha ahaa ee dhammeystay Jaamacadaha oo isla bishan lagu xereynayo Darrarweyne, si loo laylyo muddo lix bilood ah kadibna loo shaqaaleeyo. Dhallinyaradani waxay ka kooban yihiin dhammaan Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland, wax kastana waa u diyaar Gogol, cunto, hoy, direys illaa kabahoodii, macallimiin IWM.
  2. Waxa markii kowaad tan iyo intay Jirtay Somaliland loo diyaariyey, loona qeybiyey dhammaan Ardayda Dugsiyada Hoose/Dhexe ee dalka buuggaagta manhajkooda Waxbarasho [TEX BOOKS] kuwaas oo hore looa iibin jiray, waalidiin badanina aanay awoodi kari jirin inay ilmahooda u wada helaan fiigii oo bil kasta iyo buuggaagtii oo iyana lacag ah, dareenkan waxa uu ka iman karaa oo kaliya Madaxweyne ilmihiisu dalka wax ku barteen oo la socda duruufaha, waana sidaa sababta kow looga dhigay horumarinta Waxbarashada. Sida Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshadu sheegteyna dufacadda labaadna sannadkan ayaa loo diyaarinayaa dhaqaalihii ku baxayey oo waa la qaadanayaa.
  3. Si kor loogu qaado Waxbarashada oo loo tayeeyo, waxa uu dhawaan Madaxweynuhu xadhiga ka jaray Dugsiga Tababarka Macallimiinta oo isna aanay ku dhaqaaqistiisa iyo fulintiiisaba ugu dhiiran cid kale.
  4. Waxa tartan furan markii kowaad tan iyo intay jirtay Jamhuuriyadda Somaliland loo galay Waxbarasho dibedeed oo 300 [Saddex boqol] oo ka mid noqday kuwii ugu sarreeyey loogu diray dalka Itoobiya Waxbarasho heer Jaamacadeed ah, iyadoo weliba Xukuumaddu ka bixisay dhammaan wixii kharshaad ahaa ee ay ku gaadhi lahaayeen Addis-Ababa.
  5. Heerka sarrifka lacagaha qalaad oo ahayd mid si xawli badan u sabbeyn jirtay intii ka horreysay Xukuumaddan, ayaa noqday mid deggan, waxana si xooga loo hakiyey qiimo dhacii shillinka Somaliland, sababtuna waa Xukuumadda oo si aad ah u xakameysay kharashaadkii xad dhaafka ahaa ee la geli jiray ee u badnaa kuwa aan daruuriga ahayn.
  6. Waxa dalka la keenay Mashiinkii kelyaha sifeynayey oo ah kii labaad, waxana lagu rakibay Cisbitaalka Burco si dadka Gobollada bari oo hore ugu soo socdaali jiray Hargeysa oo ahayd meesha qudha ee uu yaalay mashiinka Kelyaha, sidoo kalana waxa lagaga gam’ay hawshii iyo kharashkii badnaa ee kaga bixi jirtay cid kasta oo xannuunka kelyuhu la soo darsaan oo dibedda loo doonan jiray. Waxa kale oo laga dhisay Gobollada qaarkood sida Ceerigaabo oo kale Cisbitaallo, waxana la gaadhsiiyey dawooyin.
  7. Dhammaan hantida ma guurtada ee Ummaddu wadaleedahay ayaa Xukuumaddani diiwaangelisay, iyadoo hawlwadeenno si tiro kooba loo kala diray Gobollada iyo Degmooiyinka dalka oo dhan.
  8. Difaacii dalka iyo dhammeystirka xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la xoojiyey oo qof kasta oo caqli fayow uu garan karo dhaqaalaha dagaal ee ku bixi kara, kaas oo ah mid si cad mar kasta weerar joogto ah lagu soo qaadayey Ciidammadeena ku sugan Tuka-raq sannadkii ina dhaafay oo dhan.
  9. Waxa la diyaarinayaa dhismaha Xarun Madaxtooyo u qalanta oo hadda dhulka loo qorsheeyey la deyray, waxayna ka mid tahay muujinta haybadda iyo karaamada dawladi leedahay, waana ta ay mucaaridka sida Nin sheegta qareen Barkhad oo kale uu ku sheego in Muuse guryo dhis ku mashquulsan yahay, isagoo sidaa weliba qareen ku sheeganaya.
  10. Waxa si caddaalad ah loogu tartamay sida ay Warbaahintaba hore uga caddeeyeen tartamayaashii in ka badan 40 Qandaraas oo isugu jira dhismayaal, waddooyin iyo gaadiid dawladeed iwm. Waana markii kowaad ee la arko qandaraasyo inta la baahiyo si siman loogu tartamo.
  11. Waxa Gobollada dalka tagay Madaxda Hay’adda shaqaalaha oo uu hoggaaminayo Guddoomiyuhu, halkaas oo ay gobol walba uu gaarkiisa tartan ugu galay 50 Jago shaqaale, kuwaas oo isugeynta tiradooda guud noqonayso 300 oo wiilal iyo gabdhaba leh.
  12. Waxa la shaqaaleeyey illaa ku dhawaad 1000 macallin, sidoo kalena waxa la diiwaangeliyey dhammaan shaqaalaha dawladda oo madax taabasho ah, taasoo meesha ka saartay tiro dhawr kun oo aan jirin.

Qoraalkan kuma soo koobi karee, waxa qudha ee aan uga dan lahaa waxay tahay, in dadku kala doortaan ilaalinta danta guud si aan u gaadhno horumar, dhallinta looga yareeyo shaqo la’aanta iyo tan gaar ahaaneed oo inta badan uu ku guuro dadka mid daneyste ahi, isagoo adeegsanaya been iyo borobagaandha, markaa akhriste runi waa ta ku cad qoraalkan, beenina waa ta Barkhad iyo kuwa la midka ah ee caqligoodu weli siin la’yahay inay wax iska shaandheeyaan.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here