Dawladda Kenya Oo U Yeedhatay Safiirkeedii U Fadhiyey Magaaladda Dagaaladdu Ragaadiyeen Ee Muqdisho.

0
645

Nairobi(Dawan)Dawladda Kenya ayaa shaacisay inay  u yeedhatay Safiirkii u fadhiyey Soomaaliya, Gen. Lucas Tumbo, kadib markii Kenya ka biyo-diiday tallaabadii Xukuumadda maqaar-saarka ah ee Muqdisho ay Ingiriiska ku xaraashtay shiidaalka ku jira soohdimaha Badda ee labadaas dal ku muransanaayeen.

Sida uu caawa baahiyey Wargeyska Daily Nation  oo Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) ay soo xigatay, Agaasimaha Guud ee  Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Mr. Macharia Kamau ayaa ku eedeeyey Soomaaliya inay si macno darro ah iskaga indho-tirtay dhaqamadda caalamiga ah ee la xidhiidha xudduudaha lagu muransan yahay iyo kuwa siyaasad ahaan la isku maandhaafsan yahay.

Waxa kaloo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya uu ku naqdiyey Soomaaliya inay muujisay qaan-gaadhnimo  la’aanteeda siyaasaddeed isla markaana ay  ka arradan tahay nidaamka ay caadi ahaan ku shaqeeyaan dawladaha casriga ahi.

Sarkaalkaas u hadlay Kenya wuxuu  caddeeyey in aanay waxba ka jirin tallaabada dawladda Soomaaliya ay ku faasaxday  shiidaalka ku jira badda gaar ahaan xudduudaha ay ku muransan yihiin Kenya iyo Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya wuxuu  xaqiijiyey  in dawladda Muqdisho ay  ka naas-naasin doonto cawaaqibka ka dhasha xaraashka Shiidaalka soohdimaha badda ee la isku khilaafsan yahay, waxaanu  tilmaamay  in tallaabada ay qaaday Soomaaliya  wax u dhimi doonto iskaashigii ka dhexeeyey labada dal.

Leave a Reply