“Maraakiibta Shisheeye Kamay Duwaneyn Waraabe Xooleheena u soo Dhacay” Wasiir Xasan Gafadhi

0
516

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga Jamhuuriyadda Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi,ayaa sheegay in maraabiibta ajaanibka ah ee kalluumaysatada ah in aanay marnaba Somalilabd wax faa’iido ah aanay ku qabin isla markaana ay dhib badan ku hayeen kalluumaysatadda muwaadiniinta ah iyo taranta kalluunka labadaba.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray loo baahan yahay in loo diyaar garoobo in badda nolol lagala soo boxo taasoo uu sheegay in ay ka wasaarad ahaan dhankooda diyaar u yihiin oo wixii awoodooda ah ay qabanayaan.

Waxaanu caddeeyay in xukuumaddu ay baddeeda ka joojisay dhammaan maraakiibta ajaanibka ah ee ka kalluumaysn jiray oo uu caddeeyay in waxa yar ee laga qaado iyo xaddiga kalluunka ay gurtaan in ay ahaayeen wax aad u kala fog isla markaana loo baahday in Somaliland kalluunkeeda illaashato.

Waxaanu wasiirku sidan ka sheegay mar uu warbixin-siinayay barnaamijka tayeynta Kalluumeysiga ee Bulsho Tv.

Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Marka hore waa in aynu ogaana in Badeenu tahay meel kheyraad fara badani uu ku jiro, kheyraadkaasina waxaa ugu sii mihiimsan inta aynu ka garaneyno oo Kalluunka ah, Kalluunku marka la eego waa noole kale oo la siman xoolaheena barriga ku nool, xoolaheeni barriga ku noolna waxaad moodaa in imika abaaro isdabajoog ahi ay ku dhufteen oo ay saameyn weyn ku yeelatay dadkii iyo xoolihiiba, markaa waxaa wanaagsan in bulshadeenu ogaato in aynu barriga xoolo ku heysano xoolaha labaad ee aynu heysanaana ay yihiin kuwa Bada, haddii ay xoolaheenu joogaan iyo haddii ay tagaan labadaba waxaa inala gudboon inaynu ka faa’ideysano Baddeena,”

Waxaa kale oo uu wasiir Gaafaadhi intaas raaciyay inay wadaan qorshihii ay bulshadu Badda wax kagala soo bixi laheyd waxaanu yidhi “Waxa qorshahagu yahay in loo diyaar gareeyo, in nolol lagala soo baxo bada noloshaasina wixii suuragalinlahaa ayay u baahan tahay, waxaa ay u baahan tahay gaadiid, aqoon, qalab, qaboojiyayaal ayay u baahan tahay, waddooyin iyo jidad la maro ayay u baahan tahay, waala kala leeyahay laakiin intii karaankayaga ah waxaa aanu dooneyna wixii aanu wax ka qaban karno in aanu ka qabano”

Ugu danbeyn wasiirka wasaaradda xannaanadda xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysigu waxaa uu ka hadlay sababtii ay u joojiyeen maraakiibtii Kalluumeystadda aheyd ee badda Somaliland joogey ay tahay in la dhiirigaliyo Kalluumeysatadda muwaadiniinta ah waxaanu yidhi “Maraakiibta shisheeye ee Baddeena joogtay wax inagaga luma mooyaane wax aynu ka helaynay may jirin, xoolaheeni oo aynu ilaashaneynay ayay aheyd, markabka shisheeyuhuna waraabe xoolahaaga u soo dhacayay kamuu duwanayn, markaa waxaa habboon xoolaheena in aynu ilaashano, Baddiina in la nasiyo, Kalluunkiina dib ugu soo laabto goobihii uu ku dhali jiray,oo uu ammaan u helo, tarmo ayaanu u joojinay, maraakiibtaasina shanqadh faro badan ayay ku keentay Kalluunkii oo waxaa ay noqotay inuu dido, kana yaaco goobihii Kalluumeysatadeenu ay gaadhi kari jirtay, waxaa kale oo ay dhibaato ku hayeen Kalluumeysatadeena, oo ay Kalluunkii ka didiyaan oo dadkii Kalluumeysatada ahaana meel fog ay ugu tagaan, oo shidaal badana ay isticmaalaan, ninkii xeebta istaagi jirayna aanu waxba soo helin oo uu soo hungoobo, oo shabaagtii ay dhigan jireenna maraakiibtaasi ka jiidho habeenkii, taasina waxay keentay in subaxnimadii ay hungo la soo noqdaan, Kalluumeysatadeeni muwaadiniinta aheyd, wax aan badneyn ayaa laga qaadi jiray markabka laakiin lacag lagama qaadi jirin, oo toban kun oo dollar ayaa laga qaadi jiray hase ahaate waxaa uu la tagi jiray malaayiin dollar, waayo waxaa ay aheyd in Kalluunkeena sida adhigeena oo kale aynu u iibino, oo qiimaha Kalluunkaasi lacag u dhiganta ay inaga soo gasho markabkaasi Kalluunka inaga qaatay laakiin may dhici jirin, marka sababo uu markab noocaas ahi Baddeena u jooga ma jirin”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply