Sheekh Siciid oo ka Hadlay Casriyaynta Caasimadda iyo Faa’iidooyinkeeda

0
867

Hargeysa(Dawan):- Sheekh Siciid Maxaed Faarax,ayaa ka hadlay nidaamka casriyaynta caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu sheegay in uu yahay mashruuc aad u wanaagsan oo Somaliland nasiib u heshay isla markaana ay ku noqotay dalkii labaad ee afrika ku yaalla ee mashruucaas laga hir geliyo.

“Waxaa ALLE mahaddii ah oo rabbi inoo sakhiray in Somaliland la keeno mashruuca la yidhaahdo GIS. oo ah Juqrafik informashion Sistam,waxaynu noqonaynaa dawladda labaad ee afrika ah ee barnaajikaas isticmaasha, waana sistam casriyaysan oo kambiyuutarka lag gelinayo oo aad halkaa kala soconayso adoo gurigaaga jooga dhulkaaga iyo cashuurtiisa iyo xilliga ay tahay in aad cashuurto,taasi waxay keenaysaa markaad is tidhaahdi fiise dalbo in warqadaa mulkiyada ah ee caalamiga ah ee la garanayo aad dalabkaaga fiisaha raacinayso oo aad noqonayso qof la garanayo oo dalkii hanta ku leh,waxaa kale oo ay kaa caawinaysaa baankaad is tidhaahdo wax ka qaado ama ka amaahoba waxaa lagu waydiinayaa warqdaa mulkiyadda ee saxa ah,waa ta keentay in waddooyinka waawayn ee magaalada in loogu agac daro afartii khulufaa’u raashidiinta ee Abuubakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali.ALLE ha ka raalli noqdee,sistamkan diyaarado ayaa loo kiciyay oo lagu xaqiijiyay oo lagu hir geliyay.”

Sheekh Siciid oo ka hadlayay faa’iidooyinka ballaadhan ee mashruuca dib u habaynta caasimadda Hargeysa uu bulshada u leeyahay,ayaa yidhi. “Haddii markii hore la odhan jiray geedkaa qudhaca ah hoostiisa ayaan degenahay oo waddo ma haysto,imika waxaa la ogaanayaa xaafad kastaaba inta waddo ee ay u baahan tahay isguulada ay u baahan tahay xannaanada ay u baahan tahay biyaha ay u baahan tahay inta asaajid ee ay u baahan tahay, haddii dab dhoco gurmadkii ciidanka dab-damiska ayaa fududaanaya,waxaa kale oo ay faa’iido ka leedahay dhanka koboca dhaqaalaha oo dalkii wuxuu noqonayaa dal dibedda wax ka soo iibsan kara oo ku jira khariirad caalami ah.

Dad badan ayaa arrintan ka soo shaqeeyay oo ay tahay in halkan looga duceeyo oo uu ugu horreeyo madaxweyanah qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi,fikirkaa isaga ayaa aaminsanaa oo illaa intii aanu madaxweynaha noqon uu madixiisa ka guuxayay,hir gelinteedan imikana isaga ayaa kow ka ah ALLE ha kajisaa’I siiyo e,waxaa kale oo soo raaca maayerka,maayer ku xigeenka,xoghaya dawladda hoose,wasiirka caddaaladda oo isna dhan ka soo galay iyo nootaayooyinka oo iyaguna dhan ka soo galay.markaa markay umaddu isu timaaddo ee ay is tidhaahdo wax wada qabsada wax wayn ayay qaban karaysaa,laakiin haddii aynu wakhtigeena hadal iyo shir jaraa’id uun ka dhigno dalka iyo dadkuba meel gaadhi maayaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply