Wasiirro Xadhiga ka Jaray Dugsiga Hoose Dhexe Oo Laga Hirgeliyay Degaanka Degmadda Dilla

0
608

Dilla (Dawan): Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan, ayaa xadhiga ka jaray dugsi laga hirgeliyay deegaanka Qabri Dhaaweed oo hoos taga degmadda Dilla ee gobolka Awdal.

Munaasibadii xadhigaga lagaga jarayay dugsigan, ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirrada wasaaraddaha warfaafinta, waxbarashada iyo sayinska iyo maareeyaha hay’adda horumarinta waddooyinka Somaliland Cismaan Sheekh Cabdi, madax dhaqameed iyo marti sharaf kale. Waxaana munaasibadii furitaanka dugsigan cusub lagu qabtay barxadda hore ee dugsigaasi.

Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan, ayaa bulsho weynta degmadda Dilla kula dardaarmay inay xil iska saaran kor u qaadista tayada dugsigani iyo ilaalintiisaba.

Waxaanu yidhi “Dugsigan maanta (shalay) waxaa halkan ka suuragaliyay reer Sheekh Xasan Taani. Waxaan rejaynayaa, oo aan jecelahay in aad ilaashataan dugsigan. Kana qayb qaadataan horumarkiisa oo aad tayadiisa, maadaama uu dugsigan magaca reerkani uu ku fadhiyo in aanu hoos u dhicin”.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), oo isna ka hadlay munaasibadii xadhig ka jarista dugsigaasi waxa uu yidhi “Waxay reer Sheekh Xasan Taani ku caan yihiin waxbarashada iyo hal-ganka, sidaasi darteed waxaa sharaf weyn noo ah in ay muujiyeen in ay hirgaliyeen dardaarankii ahaa in mid diineed iyo mid waxbarasha ba la hirgeliyo, tiina maanta waynu arkeynaa”.

Mid ka mida qoyska reer Sheekh Xasan Taani, oo isna madashaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sharaxaad ka bixiyay marxaldihii uu soo maray dhismaha dugsigan iyo u jeedadda ay ka leeyihiin ba.

“Tacliintana wuu jeclaa quraanka la fasilana wuu jeclaa, marka waxaanu islagaraney in madarasadda weyni iskuulka tahay, oo aanu iskuulkani dhisno hadii ay fursadu noo saamaxdana waxaanu isku dayi doonaa in aanu masaajidka isagana dhisno, si aanu tafsiirkii ugu soo xidhno.

Marka xaga tacliinta waxaa uu ahaa oo maanta meel wanaagsan ayay bulshadu mareysaa, afarta fasal ee kalena mudada waxbarashadu socoto ayaanu ku dadaaleyna si ay sideeda fasal u dhameystirmaan” ayuu yidhi ninkaasi oo ka mida qoyska dugsigan dhisay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply