Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka Hadlay Guusha Somaliland ugu Jirta Safarkii Madaxweynaha ee Itoobiya

0
1546

Hargeysa (Dawan):- Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah madaxdhaqameedka Reer Somaliland, ayaa sheegay in socdaalkii Madaxweynaha Somaliland uu ku tegay dalka Itoobiya uu ahaa socdaal xilligiisii yimi oo loo baahnaa, isla markaana qaranka Somaliland guulo u soo hooyay oo madaxweynaha qaranka Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya ay yeesheen kulankoodii koobaad, isla markaana socdaalkaasi uu meesha ka saaray hadalo malo awaal ah oo bulshada lagu soo dhex tuuri jiray.

Waxaa kale oo uu ka hadlay siday u hana qaaday nabadayntii beelaha Ceel-afweyn iyo Sool iyo colaadihii dhex maray sidii lagu soo dhammeeyay.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in qarannimada Somaliland ay tahay lama taabtaan oo ay difaaceeda u taagan yihiin bulsho ahaan umadda reer Somaliland oo dhan, isla markaana ay diyaar u yihiin, waxaanu meesha ka saaray in ay qarannimada Somaliland waxyeelayn karto doorashadii Puntland ka dhacday.

Garaadka oo dhawaan socdaal kaga soo noqday dalka Masar waxaa kale oo uu ka hadlay jaaliyadda ku dhaqan dalka Masar ee Somaliland iyo kulamo uu la yeeshay iyo shirka golaha dhexe ee KULMIYE ee maanta ka furmaya magaalada Boorama, waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Dawan.

Garaadka oo ugu horrayn ka hadlayay socdaalkii Maaxweynaha Somaliland uu ku tegay dalka Itoobiya iyo kulankii uu la yeeshay Raysal-wasaaraha Itoobiya waxaa uu yidhi. “Socdaalka Madaxweynaha Somaliland waa mid loo baahnaa oo xilligii loo baahnaa yimi, geeska Afrikana isbedel ayaa ka socda, markaa Madaxweynaha Somaliland in uu tago Itoobiya oo uu la kulmo dawladda Itoobiya oo Raysalwasaaruhu ugu horreeyo oo laga wada hadlo xidhiidhka labada dal waa arrin aan soo dhawaynayo, socdaalkaa madaxweynaha ee Itoobiyana qaranka wax wayn ayuu u soo kordhiyay, markaad eegto hannaankii iyo maamuuskii lagu soo dhaweeyay oo ahaa mid heer qaran ah oo dublamaasiyan Somaliland qarannimadeeda muujinayay, waana wax loo baahan yahay Somaliland in ay dalalka deriska joogtayso xoojinta xidhiidhkooda, waanan ku bogaadinayaa madaxweynaha guusha uu soo hooyay socdaalkiisa Itoobiya.”

Garaadka oo ka hadlayay is bedelka ka dhalan kara doorashadii Puntland dhawaan ka dhacday iyo Saamaynta ay deegaankiisa ku yeelan karto, ayaa yidhi. “Horta Puntland isbedel kama dhicin ee waxaa yimi oo keliya Madaxweyne cusub oo waliba ah nin aanu saaxiib nahay uma malayn-maayo in uu dhibaato iyo dagaal ku talin doono, arrimuhuna way kala duwan yihiin oo waxna waa siyaasad waxna waa dhaqan, markaa annagu dhaqan haddaanu nahay xukuumadda ayaanu ku garab taagganay difaaca qaranka iyo sugidda ammaanka guudba, jiritaanka qarannimada Somalilandna wax gorgortan geli kara maaha, in dadku nabad ku wada noolaado oo aanu dhaqan ahaan ka shaqayno diyaar ayaannu u nahay, wixii dhibaato ah ee dhankaa ka yimaaddana intaan xukuumadduba soo gaadhin annaga ayaa diyaar u ah in aanu dhankayaga qaranka ka difaacno.”

Garaadka oo ka hadlayay shirka golaha dhexe ee KULMIYE ee Boorama maanta ka furmaya, ayaa yidhi. “Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE in uu Boorama ku qabsoomo waan soo dhawaynayaa, xisbiguna waa xisbi Somaliland guulo waawayn u soo hooyay oo da’wayn oo 8 sanno mucaarid soo ahaa, laba goorna dadku u codeeyeen oo la doortay, 7 sanno oo uu hore dalka u soo hoggaaminayayna guulo waawayn dalka gaadhsiiyay oo wax badan u qabtay Somaliland imik oo mar labaad la doortayna madaxweyne Muuse Biixi muddada kooban ee uu joogay wax badan ayuu qabtay in uu halkaa ka sii wadana waan ka filaynaa, markaa shirkaa xisbiga waan soo dhawaynayaa, wixii ka soo baxana waxaan leeyahay waa wax qaranka Somaliland dhisaya oo dan u ahe ha lasoo dhaweeyo oo ha lala shaqeeyo.”

Waxaa kale oo uu xukuumadda iyo beelihii dirirtku ku dhex martay Ceel Afweyn iyo Sool labadaba uu ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay uga dhabeeyeen nabaddii la wada qaatay iyo gaar ahaan siday xukuumaddu iskaga xil saartay fulinta go’aamadii nabadeed ee colaadahaas lagu soo dhammeyay.

Waxaa kale oo uu sheegay in jaaliyadda dalka Masar ee Somaliland ay yihiin kuwo isku duuban oo wada jirkooda illaashada, isla markaana ay Masar Somaliland uga soo baxayaan dhakhaatiir iyo injineero dhawaan soo qalin jabiyana, waxaanu ku bogaadiyay jaaliyadda Somaliland ee Masar siday isugu duuban yihiin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply