Madaxweyne Ku xigeenka oo ka Qayb-galey Qalinjabinta Ardayda Jaamacadda Geeska

0
655

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilllaahi Ismaaciil Saylici ayaa ka qaybgalay dufcadii saddexaad ee ka qalinjabisa jaamacadda geeska ee gobolka Awdal, xaruntiisa magaalada Boorama.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, waxa uu xadhiga ka jaray cisbitaalka geeska Afrika, kaasi oo ay hirgalisay jaamacadda geesku, islamarkaana qayb laxaadleh ka qaadan doona horumarinta caafimaadka ee bulshada gobolkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay munaasibadii xadhig ka jarista cisbitaalka geeska ayaa sheegay in ay culeyska saartay inay qaranka ka taageerto dhanka caafimaadka waxaaun yidhi “Waxaa maanta farxad weyn ii ah aniga iyo inta ila socotaba inaan ka soo qayb galno dufcadii saddexaad ee jaamacadda geeska ka qalinjabisa, jaamacadani oo culeyska saartay inay qaybta caafimaadka qaranka ka taageerto, aad iyo aad ayaanu dhab ahaantii ugu faraxsanahay, waxaanan hanbalyo iyo ducaba isugu darayaa maamulka jaamacadda iyo macalimiinta, dadkii dawladda Somaliland dhidibadda u taagey aabayaashiin iyo awoowyaashiin ayay ahaayeen, nabadgeliyada ay Somaliland maanta heyso ma heystaan dalal badan oo la ictiraafsan yahay, maanta inagu quwad ciidan iyo maxkamadd ciidan oo meel walba joogta ayaynu leenahay, hase ahaate iimaanka dadkeena iyo ilaalinta amnigiisa ayaynu ku fadhina, nabadgeliyada ayaana inoo suuragalisay in aynu waxbarano, ka xukuumadda ahaana waxaa aanu idiin balanqaadeynaa intii itaalkayaga ah in aanu shaqo abuurka aanu badino, waxaanu jecelahay in bulshadda Somaliland qaybaheeda kala duwani ay camal la’aanta ka baxaan, waxaanu aad ugu faraxsanahay daahfurkii cisbitaalkii aanu xadhiga ka jarney. Sababta oo ah wax kasta oo farsamo meel ay ardaydu ku tababartaan kama maarmaan, waxaanan jaamacaddaha kale ee dalka ugu baaqaya in dhalinyarada cilmiga ay baranayaan tababarkiisuna uu dhinac socdo”

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil, waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Waxaa kale oo aan hanbalyeynayaa oo ay maanta maalintoodii iyo maalintii loo dabaal degayay ay tahay, dhalinyaraddan quruxda badan leh, kuwaasi oo saddex sanno kadib gaadhay dadaalkii iyo guushi ay mudada badan soo wadeen, waxaan leeyahay hanbalyo hanbalyo.

Cilmigu isaga oo ballaadhan hadana waa uu kala qiimo badan yahay, cilmigan aad barateena waa kii bini’aadamka lagu badbaadinayay, maadaama aad barateen mihnadii caafimaadka waxaa leydinka baahan yahay in aad dhaqankeedi yeelataan, oo dhaqankii iyo asluubtii caafimaadka aad ilaalisaan.”

Gudoomiyaha jaamacadda Geeska Maxamed Cabdi Ismaaciil oo isuguna madashaasi ka hadlay ayaa yidhi “Cisbitaalkani waxaa uu soo kordhin doono tayadda waxbarashada ee jaamacadda Geeska, annaga oo tixraaceyna diwaanhayaha guud ee jaamacadda ku soo gudbiyay inaad buuxiseen dhammaan shuruudihii leydinka baahnaa ee qalinjabineed, anaga oo tixraaceyna dhammaan shuruudaha waxbarasho ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, waxaanu idinka markhaati kaceynaa 91-ka arday ee goobtan ka qalinjabinayaa inay dhameysteen dhammaan shuruudihii leydinka baahnaa, maanta laga bilaabana aad tihiin qalinjabiyayaal, kuwaasi oo ka qalinjabiyay digriiyadda kala duwan ee jaamacadda Geeska”

Wasiirku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Maxamed Daahir Axmed ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Jaamacadda Geeska Afrika waan ku hanbalyaynayaa maadaama ay jaamacadii ku soo kordhiyeen oo ay magaaladdii ka fureen cusbitaal, kaasi oo qolooyinkiinan qalinjabinaya iyo ardayda jaamacadda wax ka baranayaba uu ka caawinayo cilmigii baragtikalka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply