Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha Oo Tababar U Qabatay Agaasimeyaasha Waaxaha

0
684

Hargaysa (Dawan): Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa shalay tababar u furtay agaasime waxeedyada wasaaradaasi, kaasoo lagu falaqayn doono hab-qoraalka hagaagsan iyo wadashaqaynta xafiisyada wasaaradaasi.

Kulankan oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa lagaga hadli doonaa mudada uu socdo sidii kor loogu qaadi lahaa waxna looga bedeli lahaa hanaanka shaqada iyo qoraalada ee xafiisyadda wasaaradaasi iyo sidoo kale maamulka ee xafiisyada kala duwan ee wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan, oo tababarkaasi furay ayaa sheegay muhiimada qoraalka suubani u leeyahay hawlaha qaranka iyo wadashaqaynta xidhaadhka xafiisyada wasaarada xidhaadhka golayaasha iyo dastuurka.

Waxaanu wasiirku kula dardaarmay shaqaalaha wasaarada in ay ka faa’iidaystaan mudada uu kulankani socdo, maadaama oo lagaga hadli doono waxyabo anfici doona shaqada wasaarada.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka Maxamed Xuseen Axmed, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in tababarkani muhiimad u leeyahay guud ahaan shaqaalaha wasaarada xidhiidhka Golayaasha.

Waxaanu tilmaamay u jeedada loo qabtayna tababarkaasi ay tahay sidii loo hagaajin lahaa shaqada xafiisyada wasaaradda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply