Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo Maanta Ka Furmaya Magaalada Boorama

0
633

Hargeysa (Dawan):- Shirka golaha dhexe ee xisbi xaakimka Somaliland ee Kulmiye, ayaa maanta ka furmaya magaalada Boorama xarunta gobolka Awdal.

Shirka golaha dhexe ee xisbiga oo sannadkiiba mar la qabto ayaa noqonaya shirkii gole dhexe ee ugu horreeyay ee xisbi qaran uu ku qabsado magaalda Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Shirkan oo ah shirkii 6-aad ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, ayay ka qayb gelayaan hoggaanka xisbiga oo uu ugu horreeyo madaxweynaha qaranka Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah aasaasihii xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE, xubnaha golaha dhexe oo iskaga yimi dhammaan gobolada dalka iyo marti sharaf aad u badan oo xisbigu uu soo casuumay oo ay ka mid yihiin asxaabta qaranku.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayay ujeedada shirka golaha dhexe ee xisbiga iyo qodobada lagaga wada hadlayo, ayaa sheegay in xisbigu isaga oo gudanaya masuuliyadda qaranka ee saaran in uu waajibaadkiisa gudanayo oo uu la xisaabtamayo madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa si loo ogaado waxay xukuumaddu qabatay iyo qorsheyaasha u yaalla ee yoolka higsigeedu uu yahay.

Xisbiga Kulmiye, ayaa noqonaya xisbiga keliya ee shirarkiisa golaha dhexe ku qabtay laba goor magaalooyin ka baxsan caasimadda Somaliland ee Hargaysa isagoo hore ugu soo qabsaday mid ka mid ah shirarkiisiii golaha dhexe xarunta gobolka Togdheer ee Burco.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply