WEEDHA WARGEYSKA Marin-habowga Xukuumaddii u Kala Dambeeyay Muqdisho

0
615

Dawladda Federaalka sheegata ee Muqdisho waxa ay Xukuumadaha loo soo dhiso ee xukunka u kala dembeeyey ku mashquulaan, sidoo kalena ku maaweeliyaan shacabkooda soo celinta midnimadii labadii dal ee 1dii July 1960kii iyo inay taageerada dhaqaale ee lagu kaalmeeyo ka jeediyaan indhaha shacabka, isla markaana kusoo jaheeyaan midnimo aaskeedii laga dareeray waqti aan dhawayn oo xataa iyagii u kala baxeen Maamul Goboleedyo kala madaxbannaan.

Marka ay xaaladda dhabta ahi sidaa tahay oo xaqiiqo aan muran lahayn tahay, inaanu Farmaajo amar ku lahayn maamul goboleedada Somaaliya, maxay tahay haddana midnimadan ay kaga dhegtay ee carrabka ay ka dhigi la’yihiin Madaxda Muqdisho lagu ilaaliyaa? Jawaabtu waa mid iska cad, waayo tan iyo intii Jamhuuriyadda Somaliland dib ugala soo noqotay madaxbannaanidoodii, waxa uu hoggaamiye kasta oo cumaamad loo soo saaro talada Muqdisho uu hawl iyo istraatijiyad siyaasadeed ka dhigtaa oo uu ku hadaaqaa soo celinta midnimo ay ula-eedaan kaliya Somaliland oo dal ka gaara ahaa, haatana ah iyagoo ku kala yaacay xataa dalkii ay iyagu midka ku ahaayeen ka hor 1dii July 1960kii.

Haddaba, muddadaa soddonka sanno ku dhaw ee ay isku mashquulinayeen midnimo ay iyagiiba ku kala tageen oo Callamo, Golayaal, Ciidan iyo Madaxwynayaal kala yeesheen, ayaa dalkoodii bad iyo berriba la kala goostay intay ku soo jeedeen Somaliland ee ay ku hawlanaayeen khalkhal gelinta xasiloonida, wada-jirka shacbiga reer Somaliland iyo inaan la ictiraafin, taasoo haatan uun ay ku baraarugeen shacbigooda oo ay hore dabool uga saari jireen, isla markaana indhahooda usoo jeediyeen midnimo xabaasheedii laga wada dareeray xilli aan dhaweyn.

Ceebta dhulka badda ee murankeedu ka dhex oogan yahay Uhuro iyo Farmaajo maaha mid imika uun bilaabmay, balse hore ayey u jirtay oo waxay isla gaadheen illaa heer Maxkamadaha Caalamiga ah, waxase imika soo cusbooneysiiyey oo si cad u tusay indhaha shacbiga, waa qandaraaskii sida tuugada loo siiyey Shirkadaha dhinaca shidaal baadhista ee xeebaha dhinaca koonfurta Somaaliya, sida xogaha qaarkood tibaaxeena waxa ay arrinta kow ka tahay waxyaabaha ay isku maandhaafsan yihiin hoggaamiyayaasha maamul-gobaleedyada iyo Farmaajo oo ku doodaya in saxeexa kheyraadka dalka uu isagu oo qudha xaq u leeyahay inuu qallinka ugu duugo cid kasta oo ay heshiis wada gaadhaan.

Geesta kale Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada ayaa iyaguna sheeganaya inaan iyaga la’aantood waxba laga hirgelin Karin dhulka ay ka taliyaan, waxa intaa dheer tuhuno kale oo badan oo hadda ay qabaan shacbigu oo ah in dhul iyo kheyraadkii kale ee dalkaba ay siyaabo kala duwan ugu takri-faleen madaxdii talada Muqdisho u kala dembeysay.

Arrimahan iyo kuwa kale oo ka badan oo weli qarsoon ayey wax ka qaban lahaayeen raggii u kala dembeeyey hoggaanka dalkaasi, waayo wax horumar ah oo ay ka gaadhi karaan ma jirto in dib ay ugu soo celiyaan Somaliland xabaashii bilaa daboolka ahayd ee ay kaga soo baxeen xooggooda, xoolahooda iyo dhiiggooda, si ay dib ugu soo ceshadaan madaxbannaanidii ay ka qaateen boqortooyadii Ingiriiska 26kii June 1960kii oo ah mida ay maanta haystaan ee sida nabadda ugu wada nool yihiin dhammaan intii ay ka dhaxeysay.

Sidaa awgeed, waxa la gudboon Farmaajo in aanu dadkiisa ku mashquulin hadba riwaayad been ah oo aan soconeyn, balse uu u jaheeyo nolol iyo nabad ay ku seexdaan oo ay ku soo toosaan, isla markaana uu dhaqaalaha kooban ee loogu dhiibay shacbiga meel kasta daadsan si toos ah u gaadhsiiyo, kana daayo siyaasadda gurracan ee dhallanteedka ah ee kolba afar qof oo reer Somaliland ah oo cadho hunguri waddo ah ugu gacan haadinayo, si uu u tuso shacbigiisa inuu yahay shakhsi soo celin kara Somaliland, balse ah mid ka fog runta.

 Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply