Caaqil Sanweyne oo Xukuumadda ku Bogaadiyay Hirgelinta Mashruuca Shaqo Qaran

0
963

Hargeysa(Dawan):- Caaqil  Dr Cabdiqaadir Maxamed Saleebaan(Cabdiqaadir Sanwayne) oo ka mid ah madaxdhaqameedka Reer Somaliland,ayaa xukuumadda ku bogaadiyay hirgelinta mashruuca shaqo qaran oo uu sheegay in ay tahay tallaabo wanaagsan oo mudan in lagu ammaano Madaxweyne Muuse oo ay ka mid ahayn ballan qaadyadii uu ummadda u sameeyay markii uu ololaha ku jiray oo uu hir geliyay.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in barnaamijka shaqo qaran uu yahay mid midaynaya ummadda reer Somaliland oo ay ku kulmayaan dhallinyaro aqoonhayan ah oo iskaga kala yimi dhammaan gobolada dalka oo dhan isla markaana walaaloku noqonaya xeryahay ay ku jiraan kuwaasoo uu sheegay in ay bulshada wax badan ka bedeli doonaan oo ay dalka u soo bixi doonaan iyagoo ka koray oo na nadiif ah qabyaalad kuna abtirsanaya Somaliland oo qudha.

Caaqilka oo xalay u warramay wargeyska Dawan,ayaa yidhi. “waxaan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa madaxweynaha Somaliland barnaamijka shaqo qaran hir gelintiisa taasoo markii uu ololaha ku jiray uu ballan qaaday laakiin dad badani ay ka fikirayeen side loo hir gelin karaa,waxaan leeyahya wax kasta oo ay ku qaadatayba Madaaxweynaha qaranku wuu hir geliyay waanu ku ammaanan yahay in uu ka dhabeeyay ballan qaadkii uu ummadiisa u sameeyay,waxaanu furay jid cusub oo Somaliland dawo u ah,waxaanan leeyahay in badan ayay mucaaridku ku cel celinayeen dadka hala mideeyo laakiin tallaabadii ugu horraysay ee dadka lagu midaynayay ayuu madaxweynuhu qaaday xisbiyada mucaaridkuna si wanaagsan ayay u taageereen,taasoo muujinaysa in barnaamijka shaqo qaran uu yahay mideeyaha Somaliland.”

Caaqilka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay. “in badan ayaynu lahayn aynu qabyaaladda ka baxno oo dadku ha walaaloobaan laakiin dad aah hoggaamin qaran aan lagu walaalaynin ma walaaloobaan,bales waxaa maanta umadda Somaliland walaalaysay talaabada shqo qaran,waxaana la isu keenay aqoonyahankii Somaliland jaamacahada uga baxay oo gobolada dalka oo dhan ka yimi waana dufcaddii koobaad ee iyagoo qabyaalad ka nadiif ah Somaliland u soo baxaya oo magacoodu yahay dufcaddii koobaad ee Shaqo qaran oo walaaloah dhammaantood qabiilkooduna yahay Somaliland waana tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday oo uu hir geliyay hoggaamiyaha qaranku.”ayuu yidhi Caaqil Cabdiqaadir Maxamed Saleebaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply