Xisbiga KULMIYE iyo Midawga Yurub oo ka Wada Hadlay Doorashooyinka Somaliland

0
544

Hargeysa (Dawan):- Xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE iyo Midawga Yurub, ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland gaar ahaan kuwa sannadkan qorshaysan in ay qabsoomaan ee wakiiladda iyo arrimaha is bedelka mandaqada geeska Afrika, ka dib markii wefti ka socda Midawga Yurub ooo Somaliland booqasho ku joogaa lagu qaabilay xarunta dhexe ee Xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE. .

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE mudane Axmed Cabdi Dheere ayaa ka warbixiyay kulan uu la qaatay weftiga ka socda waddamadda Midowga Yurub ee Somaliland ka taageera doorashooyinka.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE waxaa weftiga ku soo dhaweeyay Axmed Cabdi Dheere guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbul xaakimka, iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga.

Kulankaas ayaa ahaa mid diirada lagu saaray arrimo dhawra oo salka ku haya u diyaar garowga doorashooyinka iyo mawqifka xisbiga KULMIYE sidii doorashooyinku wakhtiga loo cayimay ay ugu qabsoomi lahaayeen.

Axmed Cabdi Dheere oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Maanta (shalay) waxaa halkan xafiiska noogu yimid wefti ka socda Midawga Yurub, gaar ahaan kuwii qaadhaan bixiyeyaasha ahaa ee ka qayb qaadan jiray doorashooyinka laba qodob ayaanu ka wada hadalnay, doorashada baarlamaanka iyo ta deegaanka ee aanu dooneyno inay qabsoonto 2019-ka dabayaaqadiisa”

Waxaanu intaa raaciyay isaga oo hadalkiisa sii wata “Halka aanu taagannahay ayay wax naga weydiiyeen inay doorashadii dhacdo, kiina waanu uga jawaabnay, hadafkayagii iyo mowqifkayagii ahaa inay doorashadu dhacdo 2019 ayaanu u sheegnay, qodob labaadna way nagalla hadleen oo kaa doorashada dhaafsiisan oo arrimaha geeska ah, iyo isbedeladda ka dhacay, dalalka jaarka ah xidhiidhadda aanu la leenahay, sida Jabuuti oo walaalaheena iyo Itoobiya, intaba waanu ka wada hadalay, mowqifka aanu ka taaganahayna waanu u sheegnay oo ah in xidhiidhkayagu wanaagsanaado.”

Dawannews Hargeysa offices

Leave a Reply